Ra’iisul Wasaaraha DFS oo u ambabaxay Dalka Burundi (Masawiro)

October 14, 2014 - Written by Editor

5Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, oo gelinkii danbe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib socdaal shaqo oo ku tagay Puntland ayaa u ambabaxay dalka Burundi, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa isaga iyo wafdigiisa garoonka ku sii sagootiyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo masuuliyiin kale. Inta uu ku suganyahay dalka Burundi waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda dalkaas, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta iskaashiga la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab, adkeynta xiriirka labada dal iyo ka wada shaqeynta amniga gobolka.

Cabdiweli Sheekh Axmed oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Muqdisho ayaa yiri.

no images were found

“Waxaan kasoo laabtay safar shaqo oo ku tagay Puntland oo ujeedkiisuna ahaa si loogu kuurgalo xaaladda dalka, loolana tashado dadka laguna kaalmeeyo maamul dhis/dib-u-dhis iyo dhiiri-gelin federalaynta, Waxaan boganay safar-guuleed oo illaahay nagu nabad-yeelay anna kala kulanay natiijooyi wax tar leh. Ugu danbayntii, waxan kala saxiixanay heshiis nuxur leh oo iskaashi, wada-tashi iyo is-kaalmeysi ku dhisan”

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelladii ay ka baxeen dadkii waxyeelladu kasoo gaartay Qaraxii kooxaha Argagixisadu ka gaysteen Maqaayadda Aromo Caffe. Wuxuuna geesta kale boggaadiyay guulaha is-daba jooga ah ee ay ciidamadda Xogga dalka iyo kuwa AMISOM ka gaareen howlgallada ka soconaya gobollada dalka.

—DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online