Ra’iisul Wasaare DFS oo u Hanbalyeeyey Umada Soomaaliyeed Munaasibadda Ciidul Adxaa

October 3, 2014 - Written by Editor

yuulkaMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubta kale ee Muslimiinta adduunka ugu hanbalyeeyey munaasibadda Islaamiga ah ee Ciidul Axdaa. Mudane Cabdiweli ayaa farriintan hanbalyada ah ugu rajeeyey dadka Soomaaliyeed iney nabad ku ciidaan, kuna gaaraan ciidan ciideeda horumar, nabad, barwaaqo iyo midnimo.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa sheegay in Ciidan ay ku soo beegmeyso xilli horumar laga sameeyey siyaasadda, ammaanka iyo dhaqaalaha dalka, Isla-markaana dadaalada geedi-socodka dawlad-dhisidda iyo nabad-dhisidda Soomaaliya ay marayaan meeshii ugu wanaagsanayd, iyadoo sannadba sannadka ka danbeeya uu dalku ka soo hagaagayo oo aan marna dib loo noqon doonin. Waxa uu intaa ku daray, in xukuumaddiisu ay ku dadaalayso sidii ay dalka ku gaarsiin lahayd marxalad uu ka guuleysto caqabadaha horyaalla, iskuna filnaado in uu maareeyo dhammaan amuurihiisa gudaha.

Mudane Cabdiweli ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay Dawladda ku garab istaagaan dadaalka ay ugu jirto suggidda ammaanka iyo xoojinta dawladnimada Soomaaliya iyadoo loo marayo qorshayaasha iyo siyaasadaha qaran ee ay hormuudka ka tahay Xukuumaddiisu iyo heshiiska bulsho ee ay wada gaareen dadka Soomaaliyeed. Waxa uu intaa raaciyey, in la gaaray xilligii laga wada qaybgeli lahaa halganka qaran ee dib loogu astaynayo Soomaaliya, waxana uu dadkiisa xusuusiyey in danaha ummadeed ee aynu leenahay oo ay ugu muhiimsan yihiin adkaynta dawladnimadeena iyo midnimadeena ay u adeegayaan danaha dhammaan dadka Soomaaliyeed oo dhan, isla-markaana ay dadku qaataan nabadda, wax-wada-yeelashada iyo wada-noolaanshaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka nabadda diidan inay ka waantoobaan rabshadaha iyo daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, damacoodana ku raadiyaan jidka nabadda, wadahadalka iyo is-dhegeysiga. Mudane Cabdiweli waxa uu si gaar ah ula hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen kooxaha hubaysan ee baalmarsan qiyamka nabadeed ee diinta Islaamka, waxana uu ku boorriyey inay ka faa’iideystaan waqtiga kooban ee ka haray cafiska ay Dawladdu u fidisay.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka hadlayey munaasibadda Ciidul Adxaa waxa uu yiri: ““Waxaan halkaan hanbalyo ku aaddan Ciidda Adxaa uga soo jeedinayaa shacabka Soomalaiyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhammaan Muslimiinta adduunka. Waxaan dadka Soomaaliyeed ku leeyahay ku ciida nabad iyo farxad. Waxaan Illaah ka baryayaa in aynu ciiddan ciideeda ku gaarno, nabad iyo horumar laga sameeyo dib-u-dhiska dalkeenna iyo adkaynta dawladnimadeenna.

“Waxaan rajaynayaa in farxadda ciiddu ay adkayso midnimada iyo walaaltinimada dadka Soomaaliyeed. Ha inna xusuusiso ciiddu isku-tiirsanaanta iyo wax-wadaagga dadkeennu ku sifoobey. Isu imaada oo is kaalmeeya, is cafiya oo wadajirkiinna ilaasha, nabadda iyo dawladnimada ka wada shaqeeya oo diida dagaalada ku dhisan fikradaha qalloocan iyo qabyaaladda. Mar kale waxaan idin leeyahay hanbalyo iyo ciid wanaagsan”.

Ciid Mubaarak Wa Kulli Caam Wa Antum Bikheyr

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online