Saraakiil ka socda Bangiga Aduunka oo la kulmay wasaaradda maaliyada Puntland.[Masawiro]

October 28, 2014 - Written by Editor

6Garoowe:-Waxaa maanta oo Talaado ah xarunta wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland Garoowe kusoo idlaaday kulan saddex bari socday oo u dhaxeeyay Saraakiil ka socda Bangiga Aduunka iyo wasaraddo iyo hay’addo ay horkacayso wasaradda Maaliyadda.

Shirkaan ayaa waxaa uu ku saabsanaa qaabka uu shaqayso Maamulka iyo Maaliyadda dowladda Puntland,saraakiisha ka socotay Bangiga aduunka waxay qiimeyn kormeer kusoo sameeyeen wasaraddaha Maaliyadda, Deegaanka, Bangiga Puntland, Dowladda hoose ee magaalada Garowe.

Gunaanudkii shirka iyo kormeerka ay sarakiisha ka socoda Bangiga Aduunka sameeyeen ayaa waxaa maanta xarunta wasaradda saxafadda kula hadlay wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Shire Xaaji Faarax iyo Klinston Cole oo isagu u hadlayay wafdiga ka socday Banigaga Caalamka.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay shirkan inuu ahmiyad ballaaran u leeyahay dowladda Puntland maadama ay Bangiga aduunku u balan qaaday sanadka soo socda inay ka taageerto dhanka dhaqaalaha si musharahaadka shaqalaha loogu kabo.

Shire Xaaji oo hadlaya ayaa yiri”Waxaan aad ugu faraxsanahay wada shaqaynta na dhexmaraysa annaga iyo Bangiga Caalamka taasoo ahmiyad gaar ah noo leh,Shirka waxaa kasoo baxay qodobo dhowr ah”.

Waxaa kasoo baxay shirka qodobadan hoos ku qoran:-

1:In dhamaan Hay’adda Dowladda Puntland ay awood u lee yihiin inay kasoo bixi karaan dhamaan shuruudaha Bangiga kula shaqaynayo Puntland.

2:Kor u qaadista awoodaha shaqaalaha dowladda.

3:Ka shaqaynta PSG5 si loo gaaro hadafka hiigsiga cusub ee lagu dhisayo Wadanka.

4:Dhamaystirka Shuruucda Hay’adda Qandaraas bixinta ee Puntland.

5:U diyaar garow-ga Mashruuca Hormarinta Degmadda (Caasumadda).

”Waxan si gaar ah ugu mahad celinaynaa kooxda ka socotay Bangiga Aduunka mudada 3-da cisho ah oo ay nagala shaqaynayeen arrimaha muhiimadda gaarka ah u leh Puntland”. Shire Xaaji oo sii hadlayay ayaa sidaasi yiri.

Dhinaca kale Klinston Cole oo u hadlayay kooxda ka socotay Bangiga Caalamka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta iyo xogta ay ka helleen masuuliyiinta wasaradda Maaliyadda, waxa kale uu sheegay inay si wanaagsan ula shaqayn doonaan Puntland oo qayb ka ah Somalia inteeda kale.

Waa markii ugu horaysay wafdi ka socda Bangiga Aduunka ay kulamo noocaan oo kale ah la yeesheen masuuliyiinta Puntland tan iyo markii uu xilka madaxtinimadda la wareegay Madaxwayne Dr.Cabdiwali Cali Gaas.

no images were found

Xafiiska warfaafinta Wasaradda Maaliyadda Puntland.

Garowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online