Sh. Cabdi-Rashiid Sh.Cali Suufi: Xagee lagu iibiya sacaadada?

October 19, 2014 - Written by Editor

shcabdirashiidQatar:-Qaariga Soomaaliyeed, Sh. Cabdi-Rashiid Sheekh Cali Suufi ayaa xalay 17-10-2014 ujeediyey jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Qatar muxaadaro aad loo wada sugayaayey oo cinwaankeedu ahaa ‘Aayadaha Allah oo lagu tafakuro. Kulankaas oo ahaa kii 2aad ee sheekhu ku gooni yeelo jaaliyadda Qatar taariikh ahaan ayuu kala hadlay goob joogayaasha inay muhiim tahay in dunida lagu noolaado saacado iyo farxad taas oo ubaahan in laga raadiyo meeshay jirto.

“Sacaadadu suuqa laguma iibiyo, warshad laguma sameeyo, wadan gooni ah oo loo raadiyo majiro.  Kuma xirno waxaad hanti iyo hormad haysatid iyo aqoon dheeraad ah oo aad uleedahay. Sacaadadu waxay kujirta gacanta Allah, taas oo diyaar u ah in lagudoonsiiyo qofkii raadsado.” Sheekha ayaa kunuuxnuuxsaday baahida aan uqabno noolal sacaado kudhisan, isagoo tilmaamay inuu qofku isagu mas’uul kayahay sidiii ugu dhigilahaa maalintiisa mid farxad iyo rayrayn kusugan oo aanu dadka lasoo dhexgalin waji macuus.

“Qofkii salaada subax jamaacad kutukada oo irsaaqad raadis ukalaho, waxaad arkeysaa kii wajigiisa nuur kasoo kacayo oo dhoola cadaynayo maalintaas oo dhan, meesha qof aan salaada subax u kicin ama tukaday goor dambe uu maalintaas oo dhan uu dhirifsan yahay(khabiith annafsi) oo qofkay iska soo horbaxaamba isaseegaan”.

Sheekh Cabdi rashiid ayaa tilmaamay inay sacaadadu kuxirneyn wadanka aad joogtid sida dad badani aaminsanyihiin, isagoo tusaale usoo qaatay dhibaatada kataagan wadamada dhankasta kahormaray ee dhibku ka haysto sacaado la’aanta, wuxuuna sheegey qiso ka dhacday wadanka maraykanka.

“Shirkii ugu weynaa ee intixaarka(suicide) aduunka oo ay sameeyeen koox aqoonyaano. Kooxdaan oo aheyd khubaro ku xeeldheer cilmiga computerka ayaa intaanan isdilin kahor waxaa ukhudbeeyey koodii ugu aqoonta roona isagoo leh: Aduunyadan waxaan kunoolnahay ciriiri aad uweyn oo aan loo adkeysan karin. Waxaan kusugunahay cadaab aan loo dulqaadankarin. Waa inaan baadi goobna sacaadada runta ah.

Waxaa jirta meel sacaadada laga helikaro oo xidigaha kutaal. ! Si aan halkaas ugaarno waa inaan aduunyadan isaga tagnaa oo midkasta oo naga mid ah suntaan cabaa. Halkaas oo ay kuwada dhamaadeen sijamaaci ah. Haday sacaadadu tahay aqoon aduun iyo lacag wax kamaqan majiraan ee maxay isudileen. Dardaarankii ay katageena wuxuu ahaa inay sacaado kawaayeen dunida oo  ay ayagu doorteen inay dhintaan.”

Sheekhu wuxuu kale oo uu sheegey in dhibaatadu marayso meel ay wadamada hormaray xal ula’ayihiin dhibaatadan. “Warbixin mardhow laga soo saaray dadka isku dilaa(intixaar) wadanka Sweden oo aad isusoo tarayaa,  ayay dowladu kafikirtay siday kayeeli laheyd arintaan, taas loo saaray khubara kasoo talo bixiso. Waxaa wax laga naxo noqotay jawaabta ay khubaradaas soo jeediyeen ayagoo kutaliyeen inay dowladu ufudadeyso dadka isdilaya oo udhisto meela gooni ah oo ay kahelikaraan dhamaan waxay ubaahanyihiin oo dhan haday ahaan laheyd sunay cabaan, xabad isku dilaan iyo xereg qoorta lageshado iyo dhakhaatiir gacan kasiisa sida ugu sahlan ay kudhiman karaan.”

Kaftanka culimada waa cilmi

Sheekh Cabdi Rashiid oo lagu yaqaan kaftan ayaa mar uu ka hadlayey salaadu laylka iyo inay ninka iyo xaaskiisa isu kiciyaan hadba qofka soo horkaco, oo koodi diida biyo qabow wajiga looga firdhiyo- ayuu sheekhu sheegey in marka hore lagu heshiiyo in la’isu kiciyo salaatu laylka iyo in biyo la’isku firdhiyo si aanu dagaal qariir u dhexmrin lamaanayaasha marka horaba muran ka dhextaagnaa.

Muxaadaradaas oo aheyd mid taabanaysay dhinacyo kaladuwan oo nafta iyo xariirka kadhaxeeya sacaadada ayuu sheekhu kusoo gabagabeeyey duco dheer oo kugaaryeeley wadanka Somalia guud ahaan, gaar ahaan gobolada ay hadda abaarta kuhabsatay, taas oo sheekhu kudhiiri galiyey ummadda Soomaaliyeed  meelkasta ay joogaan inay kaqeyb qaataan gurmadkooda.

Waxaa xusid mudan in cidii doonayso inay wax kagaysato gurmadka abaaraha ay kala xariiri karaan www.facebook.com/Gurmadka halkaas oo laga helo karo warbixino, sawiro iyo telephonada gudiyada kala duwan ee howshaas u taagan.

Adam Abdi Abuzuhri
Doha, Qatar.

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online