Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo bulshada uga digay Shirkad Ribada wax ku iibisa.[Dhagayso]

October 21, 2014 - Written by Editor

vlcsnap-2014-10-20-16h18m27s243Waxaa maantay masjidka Al-huda Magaalada Garowe kalimad qayim ah ka jeediyay  Sh.Maxamuud Xaji Yusuf Waxaana Kalimadaani oo laga sii daayay Inta badan Idaacadaha Maxaligaa uu Sheekhu kaga hadlay Shirkad  la yiraahdo (Tiyaasin Group ) taas oo laga leeyahay dalka Chaina Xarumana ku leh meelo badan oo dalka Somalia ka mid ah waxaana sheekhu qiray in ay tahay mid ka mid ah musiibooyinka haysta dalka Somali.

Sheekha ayaa ku dheeraaday faah faahin uu kabixiyay shirkado badan oo caalamul islaamka sidaan oo kale u soo gubay kuwaas oo dhamaan Culimadda Caalamku isku raaceen in ay yihiin shirkadaas iyo kuwa noocaas oo kale u shaqaysta kuwa aan banaanayn oo ay tahay dariiqa Ribada taas oo ah mid diinteenu Xaaraamaysay .

Waxaa kale oo sheekhu soo bandhigay habka  shirkadaan u shaqayso taas oo ah mid aan waafaqsanayn shareecadda Islaamka Waxaana uu ku eedeeyay Shirkadaan In ay dadka ka qaado $200 taas oo ah mid ay daku in ka mida dawo kuwaataan islamarkaana qofwalba  ka dhaadhiciyaan in ay u noqdaan Suuq gayn hadii ay ku soo xiraan shirkada 5 qof waxay helayaan lacag u soo dhacaysa bilwalba taas oo ah mid ay ku maga caabaan hadiyad Waxaana islamarkaa qofwalba laga qaadaa$25 oo ah mid Diiwaan galin ah .

Waxaa Sheekhu soo daliiliyay ayaatka Qur’aanka kariimkaa iyo Zunada Nabigeena muxamad Salallahu Calayhi Wasalam , Isku soo wada duubo maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kasocotay hadalhaynta shirkadaan io habka ay uwado adeegeeda  waxaana Sheekhu uga digay Bulshada In aysan wixii nidaamkaas ah aysan u dhawaaan.

Dhinaca dawada waxaa  Sheekhu sheegay in cidii Daawo ahaan u iibsanaysa ay tahay daawo  dad badan ku caafimaadeen dhibkuna uu san ahayn Dawada ee ay tahay dhibku habka ku saabsan lacagaha Iyo dadka suuqgaynta loo diiwaan galinayo.

no images were found

Hoos ka Dhagayso Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo bulshada uga digay Shirkad Ribada wax ku iibisa

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/adergnkr6x/shirkadribo.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Nuur Jaamac Aadan
Al-Minhaaj Garowe

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online