Shir wada xaajood oo u dhexeeya DFS iyo Puntland oo ka furmay Garoowe.[Cod/Masawiro]

October 11, 2014 - Written by Editor

4Garoowe:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sh.Axmed Maxamed ayaa maanta furay shirka wada hadalka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo saddex maalmood ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Mudane Cabdiweli oo furtitaanka shirka uu ku weheliyey Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku boorriyey labada ergo ee wada hadlaya iney maskaxda ku hayaan muhiimadda ay arrintan u leedahay dalka Soomaaliya iyo wada shaqaynta Dawladda dhexe iyo Puntland .

Shirka wada hadalka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, adkaynta xiriirka labada dhinac, deeqaha iyo horumarrinta iyo heshiisyadii hore ee dhex maray Xukuumadihii hore ee Dawladda Federaalka iyo Puntland. Ra’iisul Cabdiweli Sheekh ayaa ku dhiirrigelinaya labada dhinac ee saddexda maalmood shiraya iney la yimaadaan daacadnimo iyo iney ka turjumaan duruufaha ku xeeran Dawladda Federaalka iyo Puntland, isla-markaana uu heshiiska la gaarayo noqdo mid la dhaqangelin karo.

“ Marka kowaad waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweyntii ay noo sameeyeen dadka Puntland tan iyo intii aan halkaan joognay. Shirkaan aan maanta furayno wuxuu muhiim u yahay bud-dhigida xiriir wanaagsan iyo wada shaqayn dhex marta Dawladda Federaalka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee dalka. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

“Waxaan leenahay aqoontii iyo khibradihii aan heshiis ku gaari lahayn, waana in heshiisku noqdaa mid waaqici ah oo la fulin karo. Labada ergo ee wada hadlaya waad is beddeleyssaan oo qayb Federaalka ka tirsan ayaa hadhow halkaan ka shaqayn doona, halka kuwo Puntland ka shaqeeyana ay ka hawlgeli doonaan Federaalka markaa waa inaad ka shaqaysaa wax aan berri caqabad kugu noqon doonin” . Ayuu raaciyey Mudane Cabdiweli Sheekh.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa maanta booqasho ku tegay xarumaha Dawladda ee ku yaalla magaalada Garoowe oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Caafimaadka, Tv-ga iyo Idaacadda Puntland,Wasaaradda Cadadaalada, wasaaaradda deegaanka iyo Xabsiga Dhexe, waxana uu halkaasi kula kulmay hawl-wadeenada iyo masuuliyiintaa xarumahaasi oo uu ka dhegeysto warbixinno.

no images were found

Hoos ka Dhagayso Shir wada xaajood oo u dhexeeya DFS iyo Puntland oo ka furmay Garoowe

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/ncbhr22c66/shir.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online