Shirkadda Isgaarsiinta ee Somtel oo Imtixaan ka qaaday Shaqaalaha ay u qaadaneyso Xarunteena Qardho.[Masawirro]‏

October 14, 2014 - Written by Editor

Imtixaan_Somtel_Qardho (1)Qardho:-Shirkada isgaarsiinta Somtel oo dhawaan qorsheyneysa in adeegyada shirkadaas ay ka bilowdaan deegaanada Puntland ayaa imtixaan ka qaaday 50 dhalinyaro  oo iskugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo shirkadu dooneyso inay ka mid noqdaan shaqaalaha shirkada ee Magaalada Qardho si gaar ahna ugu shaqeeyaan qeybaha Iibka iyo Suuqgeynta.

Dadka laga qaaday Imtixaankaan oo u badan dhalinyaro  aqoonyahanada da’ada yare ee Waxbarashada jaamacadeed dhameystay ayaa waxaa ay shirkadda Somtel u sameyneysaa shaqo abuur iyo inay ku shaqeeyaan wixii ay soo barteen si looga faa’iideysto aqoontooda inta ku baasto Imtixaanka laga qaaday.

Maxamed C/samad C/laahi oo ah madaxa Shaqada iyo shaqaalaha ee shirkada Isgaarisiinta Somtel Puntland waxa uu sheegay in Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ay dooneyso in ay qaado Imtixaan ku saleysan Caddaalad qofwalbana loo tixgaliyo Aqoontiisa. ”Arinkaan waxa uu ahaa Ujeedkiisa ugu weyn in la qaado Imtixaan ku saleysaan Caddaalad oo Muuqda oo wata Imtixaan qoraal ah iyo wareysigiisa oo dadka oo dhan ay u simanyihiin,waxa uuna ka soo
bilowday Nidaamka Caalamiga ee Shaqaaleysiinta,maantana waxaa Imtixaan ka qaadnay 50 qof oo soo codsaday Shaqooyinka ka bannaan Shirkadda Somtel Xarunteeda Qardho,waxaana Jiro Doono shaqaalo kale oo shirkadda Qaadaneyso,…..Waxaan rabaa in aan fariin u diro Dadka Reer Puntland in ay u qaataan in Shirkadda Somtel ay tahay Shirkadd soo bandhigeyso Shaqooyinka ka banaan oo qafwalba oo ay qaadaneyso in ay imtixaan ka qaadayaan, aysana jiridoonin waxyaabaha ay dadka ku dhaqmaan,Imtixaanka qofkii ku soo baxo ayee shirkaddo qaadaneysaa ”Sidaasi waxaa Yiri Maxamed C/samad C/laahi madaxa Shaqada iyo shaqaalaha shirkada Isgaarisiinta Somtel Puntland.

Aadan khaalid Aw-Muuse Maamulaha Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ee Gobolka karkaar ayaa sheegay in Imtixaanka ay qaaday Shirkadda Somtel in dhiirigalin u yahay Ardayda dhameysay Jaamacaddaha iyo Dugsiyada Sare,waxa uuna dhimaya Ardayda ka baxday Jaamacadda ee Aadi Jiray Tahriibka…”Maanta Shirkadda Somtel Xarunteyda Qardho waxa ay imtixaan ka qaaday Codsadayaal soo codsaday Shaqooyin ka banaan Shirkadda, Imtixaankaan waxa uu dhiirigalin u yahay Ardayda dhameysatay waxbarashda Jaamacadeed iyo Dugsiyada Sare,waxa uu Dhimayaa ardayda ka baxday Jaamacadda ee aadi jiray Tahriibka,waxa uu fursad siinayaa Dhalinyarada shaqo doonka ah ee aqoonta ay leeyihiin ku shaqeynsan karaan, waxa uuna tusayaa in Dalka ay ka jirto Fursado Shaqo oo dhalinyada ka shaqeynkaraan….”Sidaasi waxaa Yiri Maamulaka Shirkadda Somtel ee Gobolk Karkaar.

Maamulka Shirkada Isgaarsiinta Somtel ayaa Sheegay in Dhawaan ay Deegaanad Puntland ka hirgalineyso Adeego Casri ah oo dhanka Taleefoonada,Internetka iyo Adeegyo kale oo Bulshada Faa’iido weyn u leh.

Talaabadan ay shirkada Isgaarsiinta Somtel Imtixaanka uga qaadeyso dhalinyarada  shaqo doon ka ah ayaa qeyb ka qaadaneysa in dhalinyaro badan oo wax soo baratay ay dareemeen in baahi shaqo ay dalka ka jirto islamarkaana ay ka waantoobaan Qatarha Tahriibka ay u galaan naftoodana ku haligaan Baddaha ay ku safraan.

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel waa shirkadii ugu Horeysay ee Imtixaan sidaan oo kale ka qaado dhalinyarda Shaqo doonka iyadoo aan lagu xuleen qabyaalada balse ay ku soo baxayaan oo kaliya Heerka ay gaarsiisantahay aqoontooda waxa ayna arintaani dhiiragalin u tahay dhalinyaro badan oo ka cabanayey qaabka shaqaaleysiinta oo loo mari jiray wadooyin qaldan.

no images were found

C/raxman Maxamed Cali (Black)
Qardho-Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online