Shirkii Maalgashiga Afrika oo ka furmay London Iyo Madaxweynaha PL oo ka qayb galaya.[Masawiro]

October 20, 2014 - Written by Editor

Golbal_Summit_Afrika_25-1024x575London:-Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa saaka ka qayg galay shirkii maalgashiga wadamada Africa “The Globel African Investment Summit” oo saaka ka furmay magaalada London ee caasimada cariga Ingiriiska. Shirkan ayaa waxaa lagu casumay wadama Rwanda, Puntland, Uganda, Tanzania iyo Gana, waxaana kasoo Qayb galay madaxweynayaasha wadamadaas oo kala ahaa Madaxweynaha Rwanda “Paul Kagame”, Madaxweynaha Puntland “Dr. Abdiweli M. Ali Gaas”, Madaxweynaha Uganda ” Yoweri Kaguta Museveni”, Madaxweynaha Gana ” John Dramani Mahama” iyo Ra’iisal wasaaraha Tanzania “Mizengo Pinda”.

Shirkan oo socon doona mudo laba maalmood ah kana dhacaya SAVOY HOTEL oo kuyaala badhtamada Magaalada London, ayaa waxaa shir gudoomiye ka ah Madaxweynahii hore ee Naigeria “Olusogun Obasango”. Furitaankii shirka ee saaka ayaa waxaa furay wasiirkii hore ee Arimaha Dibada ee wadamada Britain William Huge oo hada ah Hogaamiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Britain.

Hadaba William Huge oo khudbad dheer oo taariikhiya ka jeediyey goobtaasi ayaa waxaa uu siweyn uga hadlay fursada wayn ee maalgashiga ee Afrika ka jirta, isagoo sigaarana diirada usaaray Soomaaliya oo uu sheegay inay ka jirto fursad weyn oo dhinaca maalghashiga ah, welibana uu sheegay in ay muhiimad gaar ah leedahay kasoo qayb galka ay Soomaaliya kasoo qayb gashay shirkani oo ay Puntland umatelaysay Soomaaliya, goobtana uu u fadhiyo Madaxweyne Dr, Abdiweli M. Ali Gaas, sidoo kale uu William Huge sheegay in xiligii uu ahaa wasiirka Arimaha Dibada ee wadamada Britain uu furay safaarada Wadamada Britain ee Soomaaaliya .

Sidoo kale Madaxweynaha dawlada Puntland ayaa waxaa uu khudbad taariikhi ah ka jeedin doona shirkani, taas oo uu diirada ku saari doono qorshaha Dawlada Puntland ee dhinaca maalgadhiga Puntland iyo guud ahaanba Soomaliya oo isagu uu Metelayo

Shirkan oo ay iyana kasoo qayb galeen Gancsatada waa weyn ee carigani Ingiriiska oo iyagu lahaa fikradii in shirkani la isugu yimaado ayaa waxaa la filayaa inay siweyn ugu tiiqtiiqsadaan ka hadalka sidii loo maarayn lahaa dhibaatooyinka dhaqaale ee ku habsaday Africa, iyo qaabka ugu sahlan ee Afrika lagu maal gashan karo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Adiweli M. Ali Gaas iyo madaxweynayaashii kale ee Afrika ayaa waxaa qado sharaf usamaysay Boqorada Dalkani Ingiriiska “Queen Elizabeth” , qado sharaftaas oo ay ugu sameeyey Aqalka Boqorooyada ee Magaalada London.

no images were found

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online