Shirkii maalgashiga Afrika oo maalintii 2aad London ka socda iyo Madaxweyne Gaas oo ka hadlay.[Masawiro]

October 21, 2014 - Written by Editor

IMG_3456London:-Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa maalintii labaada ku guda jira ka qayb qaadashada shirweynihii maalgashiga Afrika ee ka socda Magaalada London ee xarunta wadamada Britain. Shirweynahan loogu magac daray ” Global African Investment Summit” ama Shirweynaha maalgashiga Afrika ayaa waxaa uu galay maalintii labaad ee lagu lafa gurayo qaabka loo horumarin karo Afrika.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Abdiweli ayaa kulamadii uu maanta ka qayb qaatay oo ahaa kuwo  Madaxweynayaashaa Afrika iyo Shirkadaha waaweyn ee Aduunkaa gaar gaar u qaadanayeen ahaayeen kuwo lagu lafa guray suuqa dhaqaalaha Afrika. Madaxweynaha ayaa kulankaasi ka sheegay muhiimada ay leedahay sidii loo sahli lahaa habsami usocodka dhaqaalaha Afrika, iyo sidii loo horumarin lahaa ilaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Afrika.

Wadada keliya ee loo mari karaana ay tahay in marka hore kaabayaasha dhaqaalaha xooga la saaro sida:- Sida Wadooyinka, Dekadaha, Garoomada. Qodabadii waaweynaa ee faadhigii maanta lagu shuqliyeyna waxaa ka mid Xooga Afrika ” Power In Africa” taasi oo micnaheeda lagu sheegay in Afrika ay ubaahan tahay sidii dhaqaale xoog  leh lagu abuuri lahaa, si looga baxo dhibaatoyinka badan ee ay la daalaadhacayso Afrika.

Kulankii maanta oo u badnaa wadaxaajoodka fadhiyada gaarka ah ka dhacayey ee loo yaqaano “Round Table’s” ayaa waxaa lagaga wada hadlayey fadhiyada qaarkood ka faa’iidaysiga macaadiinta ceedhiin ama khayraadka badan dhulka hoostiisaku jira  amaba guudkiisa saaran.

Dhinaca dalxiiska ayaa isagana la sheegay inay Afrika tahay meel hodan ku ah oo dhaqaale badani kasoo xeroon karo haddii lagu fur furo maskax aqoon badan u leh.
Sidoo kale goobaha aadka looga hadlay ayaa iyana waxaa ka mid ah dhinaca Isgaadhsiinta Afrika oo la sheegay inay aad u danbayso loona baahan yahay in wax badan laga bedelo oo haddii laga badeli lahaa wax badan ay ka geysan lahayd amuurtaasi dhinaca horumarinta dhaqaalaha.

Shirkan oo uu Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Abdiweli ka qayb qaadanayo ayaa waxaa lasoo gebi gebayndoonaa caawa fiidadkii, isla marahaantaana aanu idiin soo tebin doonaa qodobada ugu waaweyn ee kasoo baxa.

no images were found

Dhamaad
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta
Hiddaha iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online