Shirweynaha Beesha Cilmi Naaleeye oo ka furmay Magaalada Adhicadeye ee Gobolka Sool.[Masawiro]

October 18, 2014 - Written by Editor

DSC_0618Laascaanood:-Shirkaan beesha Cilmi Naaleeye ee Midnimo oo ka furmay Magaalada Adhicadeeye gaar ahaan Dooxada Qarash,la oo ka mid Dooxada Kuba shirkaan ayaa waxaa halkaas furitaankiisi ka soo qayb galay guud ahaan waxgaradka Deegaanka Adhicadeeye iyo magaalada Laascaanood.

Qodobada laga hadli doono shirkaas oo ay ka mid ka yihiin turxaan bixinta beesha Cilmi Naaleeye dhexdeeda, xoojinta nabad ku wada noolaanshaha dadka dariska, ah iyo horumarinta Deegaanka Adhicadeeye sidda waxbarashada Caafimaadak,Biyaha Dhaqaalaha Ilaalinta Deegaanka.

Guud ahaan shirkaas ayaa waxa ka sooqayb galay beesha Cilmi Naaleeye,waxgarad Culimo Aqoon,yahano,ururada Haweenka ururada dhalinyarada waxana madashaas kahadlay odoyaal ay ka mid yihiin.

Jaamac Cali Geele, Yaasiin Farao Qadhoon, Aadan Cali Geele,Caydiid Diiriye,Abshir Aadan,Ibraahim Dhalac,Cabdi Cowke, Baashe Cali Jaamac.

Xay Xaaji Saalax, Ibaraahim Cali shube, Abshir Aadan, Hure Maxamed Muuse,  Khadar Cali Jaamac , Maxamed Dubad, Cabdi- Casiis C\laahi Faarax,  Ibraahim Cali Mire, Jaamac Yuusuf Ismaaciil, Cabdale,Yaasiin Cismaan Oogle Sh Siciid Axmed Cadar Sh Maxamed saleebaan Warsame.

Dhamaantood waxgaradkaas iyo aqoonyahanada culimada ayaa halkaas ka duceeyay waxana siwayn looga hadlay sida muhiimka ay utahay horumarinta deegaanka iyo wax wada qabsiga dadka waxana ay Ilaah ka baryeen in uu guul ku dhamaado shirkaas lagana soo saaro qodobo dhaxal gal ah kaas oo ay si wayn u rajaynayaan guud ahaan shacabka deegaanka Adhicadeeye.

Sidoo kale waxaa halkaas hadalo qiimo badan ka soo jeediyay hablaha Beesha Cilmi naaleeye oo ay matalayeen Aamina Xaaji Cawad,Khadiija Sanwayne oo guud ahaan ugu baaqay in midnimada beesha la siixoojiyo, waxana ay tusaale u soo qaateen isku xidhnaanta hablaha beesha Cilmi Naaleeye,kuwaas oo miisaan wayn ku dhex leh guud ahaan beelaha Dhulbahante.

no images were found

C/kariim C/laahi
Lascanod,Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online