Soo dhaweyntii Qardho loogu sameeyey Ra’iisul wasaaraha DFS.[Masawiro]

October 13, 2014 - Written by Editor

IMG_2156Qardho:-Waxaa maanta magaalada Qardho soo gaaray wefdi balaaran oo hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Somalia C/weli Shiikh iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas,wefdigaani ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweyne ku xigenka Puntland,Wasiiro ka tirsan Dolwadda Federaalka. Gudoomiye kuxigenka labaad ee Baarlamaanka Somalia, xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka,Wasiiro ka mid ah xukuumadda Puntland iyo wefdi aad u heersareeyo.

Wefdiga Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey goob 20 km u jirto magaalada Qardho waxaana soo dhaweynta wufuuda kala duwan ka qeybgalay Dhammaan qeybaha Bulshada Qardho sida Ardayda,Maamulka Degmada iyo Kan Gobolka Urururada Haweenka iyo Kooxdaa Hiddaha iyo Dhaqanka.

Wefdiga Ra’iisal Wasaaraha markii ay soo gaareen magaalada Qardho waxaa ay dad weynaha ku la hadleen Xarutna Dowladda Hoose ee Qardho… ”soo dhaweyntaan waxa ay nagu tahay Fariin Culsu waxa ayna fariin Culus u direysaa dhammaan Gobolaada dalka sida Qardho iyo Puntland ay ugu go’antahay Midnimada Somalia oo in Muddo ah laablaab galay,Waxaa Muuqata Shucuurta aad muujineysaan ee ka soo bilaabatay Garoowe ilaa aan soo gaarnay Tuulooyinka iyo Magaalooyinka aanu soomarnay oo dhan fariin Gobollada Dalka Sidaasi u aqirista Somalia markale ay mid noqoto…sidaasi waxaa dadweynaha u sheegay Ra’iisal wasaaraha Somalia C/weli Shiikh Axmed.

Ra’iisal Wasaaraha waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha Somalia Mudane Xassan Shiikh Maxamuud uu ka wado Salaan si gaar ah ugu socoto Shacabka ku nool magalada Qardho,waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay gaarsiin doonaan madaxda dowladda warbixinada ay u soo gudbiyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay soo dhaweynta loo sameeyey wefdiga balaaran oo isgu Jira Dowladda Federaalka iyo Madaxda Puntland ayaa sheegay….. ”Mudane Ra’iisal Wasaare Qardho waa Hoyga dhaqanka Somaliyeed iyo Dhaqanka Puntland,Waa Hoyga Tacliinta Puntland,Magaalo walbo waxbeey caan ku tahay,Qardho Saldhig dhaqan weeye iyo Hoygii Tacliinta Puntland,waad aragtay intii aan soosoconay wixii arday oo aan soo aragnay,waxa ay caan ku yihiin Soo dhaweynta madaxdooda waxa ay caan ku yihiin Wadaninimo iyo Somali nimo waana tan ka muuqato maanta”…Sidaasi waxaa Yiri C/weli Gaas Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale wefdiga Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland waxaa Qado sharaf u sameeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si gaar ah ugu casuumay Ceel Mur oo ah meel aad u quruxbadan oo dhirta iyo Biyaha Xareeddo ay waranyihiin,waxana halkaasi ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha Somalia Madaxdweynaha Puntland iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka hadlay Qado sharafta uu u sameeyey wefdiga Ra’iisal Wasaaraha iyo Madax weynaha Puntland ayaa sheegay.”Maanta waa maalin taariikhi ah Halkaan waxaa isugu Yimid Mas’uuliyiin iyo waxgaradbadan,waxa loo socoday Madmadowgii Dowladda Somalia iyo Puntland ka dhex jiray in la xaliyo Illaahay waxaan ka baryayaa si kheyr ah iyo si wanaagsan in uu ku dhamaado in Sha’allaah,Waxaa wax lagu farxo ah sida soo dhaweyta kalgacalka ee qadarinta ka muuqato oo dadka deegaanada Puntland ay ku soo dhaweeyeen  Ra’iisal Wasaaraha iyo kuxigeynka labaad ee Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labada Gole ee Xukuumadda Federaalka Somalia,waxa ay marqati ka tahay sida umaadda somaliyeed ay isugu mid tahay oo dhamaantood ay u jecelyihiin hormarka waana soo dhaweyneynaa Wefdiga Ra’iisal wasaaraha…”Sidaa waxaa Yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Soo dhaweynta maanta loogu sameeyey wefdiga Ra’iisal wasaarha Somalia  iyo Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya xilli Ra’iisal wasaaraha oo booqasho ku joogo Puntland waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sidda wacan ee maanta Qarhdo loou soo dhaweyey.

no images were found

Wariye C/raxman Maxamed Cali (Black)
Qardho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online