Wadaadadda Soomaalida iyo Siyaasadda W/Q Sh.C/baasid Sh.Ibraahim

October 17, 2014 - Written by Editor

baasidManchester:-Wuxuu yiri ( Wadaadow waxaa fiican inaad iska hilmaantaan Damacaan siyaasadeed ee aydaan qaadi karin , sababtoo ah waxaad ku hungowdeen inaad si fiican u maamushaan Ururadii Diiniga ah ee aad ka tirsan tihiin ama Masaajidadii ay Umadda idinku aamintey, hadalkiina waa qurxoon yahay, ficilkiinase waa ka liitaa kuwa siyaasiyiinta sheeganaya , iyagu wax bey kuu ogol yihiin Shaqo Xamaalinimo ahba ha noqotee, idinkuse waxba ma ogoladiin .

Cadowga Umadda waa idinka , koox mid kale wax u ogol ma jirto , kii dhaqaaqana idinkaa lug goynaya , waxaad Cadaalad ku maamuli Kari weydeen tiradii yareyd ee kooxdiina ahayd, sidee la idinku aaminayaa Inaad Dal Iyo Dad aad wanaag u sameysaan ) !!!!!!!!.

Waxaan ku iri : dhibaatooyin wey jiraan , dhaliilahana ma yara , In wadaad oo dhana la galaafto ma fiicna , hase yeeshee yaa yiri nin walboo Aayad ama Xadiis akhriya wuxuu noqon karaa hogaamiye ama maamule Urur Diimeed , Masaajid , hay’ad Samafal , Gudoomiye , Waziir, Iwm.

Ururada Diiniga ah ee Soomaaliyeed markii ay ku dhaqaaqeen wixii ay garanayeen guulo la taaban karo bey ka gaareen , markeyse ka leexdeen hawshoodi fashil bey la kulmeen .

Waxaa soo martey fursado aad qaali u ah oo Dalka iyo Dadka ay ugu adeegi kareen , hase yeeshee wey lumiyeen sababo ay ka mid yihiin degdeg aan loo dardayin , khibrad la’aan baahsan oo ka jirtey xagga Maamulka , Siyaasadda, Dhaqaaalaha, Iyo habdhaqanka Bulshada oo ah Aniga mooyee cid kale ma jirto , Taasoo keentey in loo arko iney yihiin Daneystayaal aan wax hambeyn. Weli fursad bey leeyihiin , laakiin cidii Umadda uga faa’ideynlahayd weli ma muuqata.

Waxaad in badan maqashaa Wadaado sheeganaya in ay gacanta ugu jirto ama ay maamulaan dhamaan goobaha waxbarashada Hoose , Dhexe, Sare , iyo Jaamacadaha , ayna leeyihiin Sharikadaha Dhaqaale iyo Ganacsi , ay u hartey oo keliya iney gaaraan Kursiga ugu sareeya Dalka !.

Waxaan filayaa inuu yahay hadal aan laga fiirsan oo xaqiiqada ka fog , ama keeni karta in Inta yar ee Iftiimeysa la tuso cadowga , sow ma aha in aanan weli fahmin waxa aan ka hadleyno.

Wadaadada (Ururada Islaaamiga ah) waxay gaareen Kursiga ugu sareeya dalka , haddana iyagaa diidey. waxaan filayaa iney Wadaadadu gaari karaan iney noqdaan Hogaanka Dalka , haddii ay si dhab ah Jawaab ugu helaan Umuuraha soo socda:-

1- Intee Ururada Islaamiga ah ka metelaan Bulshada Soomaaliyeed Boqolkiiba ?

2 – Ma u bisilyihiin inay garab istaagaan Qof walba oo ka shaqeynaya Maslaxada Umadda haddii xataa uusan ka tirsaneyn ururkooda, mise maya ?

3 – Ma ogol yihiin kala duwanaanta Ra’yi ee Bulshada ay qabto ?

4 – Ma hayaan Mashruuc dhaxalgal ah oo ay Umaddu ku soo jiidan karaan ?

5 – Ma heli karaan Hogaamiyayaal leh habdhaqan ay Bulshada kula dhaqmi karaan?

6 – Ma waxay rabaan in guusha lagu gaaro gacantooda oo keliya, mise waxay ogol yihiin in la gaaro guusha Ciddii doonta ha keentee ?

7 – Ururada ma wadaagaan Hadaf ay ku mideysan yihiin , mise mid walba waxeeda waa u gaar ?

Waxaan filayaa inay jiraan su’aalo farabadan oo ay dadku is weydiinayaan kuna saabsan hab dhaqanka Ururada iyo damacooda ku aadan xukunka iyo Talada dalka , xaqna waa u leeyihiin inay Xilkaa qabtaan , laakiin arinku wuxuu u eg yahay Faanoole fara kama qodna.

Mahadsanadiin.
C.baasid Sh. ibraahim

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online