Wakiilka gaar ah QM ugu qaabilsan arimaha Soomaaliya oo gaaray Garoowe

October 13, 2014 - Written by Editor

Nicholas-KayGaroowe:-Wakiilka gaar ah Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhowayd soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.

Danjire Nicholas Kay ayaa waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee xarunta dowlada puntland xubno ka tirsan labada gole ee Puntland oo uu horkacayo Wasiirka amniga dowlada Puntland Xasan Cismaan Maxamuud Aloore.

Wakiilka gaar ah Qaramada Midoobay iyo wakiilo ka socda IGAD ,iyo beesha caalamka  ayaa goobjoog ka noqon doona heshiis hordhac ah oo ay gaareen DFS iyo Puntland kaas maanta laga soo saari doono warmurtiyeed .

Magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa waxaa haatan ku sugan Madaxweynaha Puntland ,Raisulwasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh iyo wakiilka urur goboleedka Igad ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey  iyo wufuud kale.

­ M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online