Wakiilka gaarka ah ee urur goballeedka IGAD ee Somalia oo gaaray Garoowe

October 13, 2014 - Written by Editor

igadGaroowe:-Waxaa dhawaan soo gaaray magaalada Garoowe ee xaruta dowladda Puntland wafdi uu hogaaminayo wakiilka gaarka ah ee urur gobaleedka IGAD ee Somalia  Maxamed Cabdi Afey. Wafdiga wakiilka gaarka ah ee urur gobaleedka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afey ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Garoowe waxaa ku soo dhaweeyey wasiirka deegaanka dowladda Puntland Mudane Guuleed Saalax Barre iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Puntland.

U jeedka socdaalka uu ku yimid wakiilka gaarka ah ee urur goballeedka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afey ayaa waxaa lagu sheegay in uu goob joog ka noqon doono heshiis ay wada gaareen Madaxda dowladda Federeaalka Soomaaiya iyo Dowladda Puntland yadoo arrinkaas ay codsadeen Madaxda Puntand.

Waxaa ale oo la filayaa in saacaddaa soo socda uu soo gaari doono magaaada Garowe wafdi kale oo u horkacayo   Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nichalos Kay ilaa hadda heshiiska ay isu afgarteen Puntand iyo DFS si rasmi ah  lama shaacin.

Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaiya ayaa waxaa ay horay u gaareen heshiiyo fara badan oo aan ilaa hadda wax la taaban karo aysan ka dhaqan gelin.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online