Warbixin ku saabsan Abaarta Gobolka Gedo iyo waxqabadka Mus’ssad Al-raxma.[Masawiro]

October 4, 2014 - Written by Editor

DSC03965Gedo:-Gobolka Gedo waa gobol aad u balaaran xaga masaafada , wuxuu ka mid yahay gobollada Soomaaliya xaga cimilada kuwa ugu kulul waana saxaaro lamood xaga kulaylka iyo roobyaraanta , sidda ooytahay hadana wuxuu kamid yahay gobolada dalka kuwa safka hore uga jiro xaga tirade xoolaha ku dhaqan, labo xili ayuu gobolku roobka helaa waa gu,ga iyo dayrta, intabadan labada xili si joogto,ah roobka uma da,aan gobolka, labaatan kii sano ee ugu danbeeyey gobolka waxaa soo maray abaaro aad u ba,an oo ay dhibaato kasoo gaartaydad iyo duunyaba.

Abaarta ka jirto gobolka gedo waa mid baahsan ooka taagan dhamaan deegaanada hoosyimaado gobolka, waxaa dhamaaday wixii calaf xoolaad ahaa, waxaa guray kaydadkii biyaha eek u baahsanaa deegaanada gobolka sida: waraha dadsameega,ah , kuwa loo yaqaano garabka , iyo ceel gacmeeka, waxaa degmooyinka, iyo tuulooyinka gobolka ka jiro inta badan ceelal nooca riig-qodeenka,ah ceelal badan oo ceelashaa kamid,ahna qaarkamid,ah way biyo yareeyeen.

Waxaa dhamaan gobolka ka taagan oon iyo biyo la,aan aan la qiyaasi Karin taasoo qarka u saran inay ka dhacdo gobolka musiibo bini,aadam iyo mid xoolaadba.

Iayadoo ay jirto musiibadaas bini,aadam sidaasna u balaaran hadana ma jirto waxgacan ,ah oo laga hayo umadaan musiibadu ku habsatay cida u sheeganayso dawlada inay mas,uulka ka yihiin.

Sidoo kale ma jiraan hay,adaha qaramada midoobay oo aduunka ka buuxiyey shacaa,irta bini,aadam iyo waxqabad wax gargaar,ah oo,ay ufidiyeen umadan colaadaha iyo abaaruhu lagu saliday waxaana xusid mudan inayba hada qaybinayaan abuur iyo nafaqooyinka beeraha.

Waxaa jiro gargaagr ubadan xaga biyaha oo,ay sameeyeen hay,adao maxali,ah oo kooban iyo shaqsiyaad qurbo joogta,ubadan waxoogaa qarasha,ah oo,ay usoo tuuraan walaalahooda dhibaataysan.

Ilaa iyo hada hay,adaha gurmadka biyo dhaaminta gobolka kaqaybqaatay meelobadan oo gobolka kamid,ahna wax gaarsiiyey waxaa ka mid,ah Mu,asada Alraxma.

Warbixinta aanu soo gudbin doonno waxay kahadlaysaa bartamaha Gobolka waxaa jiro biyo dhaamin iyo gurmad ka socdo deegaanada hoosyimaado degmooyinka aykamid yihiin Beledxaawo iyo Ceelwaaq oo,ay Mu,asasda alraxma kawado iyagana markii lasoo aruuriyo xogta ayaanu soo gudbin doonaa.

MU,ASASADA ALRAXMA IYO BIYO DHAAMINTA ABAARAHA BARTAMAHA GOBOLKA GEDO.

Mu,asasada waxbarashada iyo horumarinta ee Alraxma waa mu,asaso Caalami,ah meelo badan oo aduunka,ahna degan, gudoomiyaha gudiga gragaarka deg dega,ah ee Mu,asasad Alraxma Sh. c/nuur Faarax Cali mar aan la xiriirnay wuxuu nooga warbixiyey sidii uu,u maamulay maalkii soo gaaray ee,ay dadka muslimiinta muxsiinta,ah ay walaalahooda dhibaatyasan oogu tabruceen, waxaana hadaladiisa kaimd,ahaa: (dadka muxsiniinta,ah qaarkamid,ah waxa ay labaxaan waxay soo raaciyaan fariin,ah in waxa ay labaxayaan lagaarsiiyo meeo ay iyagu magacaabaan fariintoodaas ayaana fulinaa , qaarna siguud ayay ubixiyaan oo inaga ayaa gaarsiino meelaha oogu daran eek u haboon).

Waxaanan halkaan kusoo gudbinaynaa hadii alle idmo gurmadka biya dhaaminta sidii uu sheekhu noogu warbixyey iyadoon usheegi doono magaalo kaste, biyaha gaaray, cadadka biyaha.

Waxaana kale oo raacin doonaa warbixinkaste sawiradii laga sooqaaday qaar kamid,ah , inagoo ku dari doono goobaha qaar inaanu soo qaadano hadalada dadka dhibaataysan ee isugu jiro mahad celinta iyo ducada ay u soo celinayaan dadkii ku sadaqaystay biyaha, iyo baaqyada ay usoo dirsanayaan walaalahooda ay isku jirka yihiin.  Halkaan ka eeg warbixinta oo dhamaystiran

no images were found

Wixii faahfaafhin iyo xiriir,ah ooku saabsan abaarta iyo Mu,asasad Alraxma kala xiriira:

Sh C/nuur faarax cali
Tell: 25261-6718444.
E-mail: nur.alli99@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online