Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mahad Salad oo booqasho shaqo ku jooga dalka Finland.

October 26, 2014 - Written by Editor

Mahad Mohamed SaladHelsinki:– October 26, 2014- Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa booqasho ku jooga Magaalada Helsinki ee Caasimadda Finland, halkaasi oo uu kulan gaar ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland oo xubinna ka ah baarlamaanka dalkaasi H.E. Erkki Tuomioja oo ay ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga balaaran ee labada dal u dhaxeeya .

Wasiir kuxigeenka waxa kale uu la kulmay ergeyga dowladda Finland u qaabilsan Soomaaliya ,isagoo sidoo kale khudbad ka jeediyay fadhi ay lahaayeen baarlamaanka Finland oo uu kaga hadlay horumarada Soomaaliya ay ku tallaabsatay dhinacyada nabadgelyada , dowlad wanaaga iyo la dagaalanka argagaxisada .

Mudane Mahad Mohamed Salad , ayaa kulan balaaran la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ku nool oo uu ku dhiirigeliyay in ay ka qeyb qaataan horumarka iyo maalgashiga dalka .

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo xoojinaya dadaalada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu saldhigeyso maamul sal balaaran oo heer Xukuumad goboleed ah oo ka dhaqan-gala gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxa uu kula kulmay Magaalada Helsinki Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda goboladaasi , isagoo u sharaxay heerarka kala duwan iyo marxaladda ay xilligan mareyso madasha nabadeed ee lagu dhisayo maamul sal adag oo gobolada dhexe ay yeeshaan .

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salad waxa kale oo uu la kulmay madaxda sare ee hey’adda horumarinta u qaabilsan dowladda Finland oo uu ugu baaqay inay mashaariic balaaran oo horumarin ay ka hirgeliyaan dalka Soomaaliya oo xilligan ka soo kabanaya dagaalo in muddo ah dib u dhigay horumarka iyo wax soo saarka dalka .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online