Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Beileh oo Dubai kaga qeybgalay Shirka Burcad badeedka.[Masawiro]

October 30, 2014 - Written by Editor

IMAG0949Dubai, October 30, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa  muujiyay in dalkiisu u baahan yahay taageero caalami ah oo suuragelin kara in fursado shaqo loo abuuro kaluumeysatada iyo dadka xeebta degan si loo baabi’iyo jiritaanka falalka burcad badeednimo.

Wasiir Dr. Abdirahman D. Beileh oo khudbad ka jeediyay Shirka la dagaalanka burcad badeeda oo Wasiiro , Madax iyo saraakiil ciidan oo kala jinsado duwan ay ka qeybgaleen, ugana wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda,  ayaa  fal xanuun badan oo murugo leh ku tilmaamay afduubka maraakiibta iyo dadka rayidka ah , isagoo ka dalbaday wadamada ku bahoobay la dagaalanka burcad badeeda inay taageeraan howlaha dib loogu dhisayo ciidan xoog badan oo qalabeysan oo ka howlgala xeebta iyo xuduud badeeda Soomaaliya si loo afjaro falalkaasi bani’aadanimada ka baxsan.

Dhanka kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa gelinkii dambe ee maanta kulamo kala gaar gaar ah kula yeeshay Mgaalada Dubai ee dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta Wasiiro iyo Mas’uuliyiin heerarkoodu kala duwan yahay.

Dr. Abdirahman Beileh waxa uu si gaar gaar ah ula kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta  HH Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Mauritania Ahmed Ould Teguedi , Yemen  H.E. Jamal Abdullah Al Sallal , Brunei H.R.H Mohamed Bolkiah ,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Gaadiidka Seychelles H.E. Joel Morgan , agaasimaha Xiriirka dhinacyada badan leh ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga ambassador Turki bin Mohamed bin Saud Al kabeer , gudoomiyaha Shirkadda dekadaha caalamiga ee Dubai ( DP World) Mr. Sultan Ahmed bin Sulayem iyo mas’uuliyiin kale .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa kala hadlay wasiiradaasi iyo mas’uuliyiintaasi kala duwan ee uu la kulmay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya kala dhaxeeya ,horumarinta danaha wadaagga ah iyo taageeridda qorshayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu saldhigeyso nabadda iyo deganaanshaha dalka .

no images were found

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online