Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada DFS Iskuulaadka Turkiga ay gacanta ku hayaan.[Masawro]

October 26, 2014 - Written by Editor

5Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Mudane Ciisa Maxamed Axmed “Guraase” iyo Wafdi uu hogaami naya oo ay kamid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Mudane Xaamud Cali Xassan, ku simaha Agaasimaha Mudane Caraboow, Agaasimaha Waaxda Dugsiyada gaarka loo leeyahay Mudane Muuse Caraale ayaa maanta booqasho kormeer ku maray Iskuulaadka Turkiga ay gacanta ku hayaan ee ku yaala Magaalada Muqdishu.

Wafdiga ayaa socdaalkooda ka bilaabay Iskuulka Sheekh Suufi halkaas oo Wasiirka Waxbarashada Mudane Guraase uu kula hadlay ardayda, Macalimiinta iyo Maamulka Iskuulka isagoo mid mid u wareystay Ardayda, waxa uuna Wasiirka sheegay inay aad ula dhacsanyihiin qaabka ay wax u wadaan Turkiga iyo sida ay u dhiseen Iskuulaadka ay gacanta ku hayaan, waxa uuna sheegay in sanadka soo socda Wasaarada waxbarashada qorsheynayso inay hal imtixaan ka qaado Dalka oo dhan.

Wasiirka ayaa sheegay “inay u jeedaan Arday iyo Iskuul nidaamsan oo ay ka muuqato Waxbarasho tayeysan Nadaafad, Wadaniyad Turki iyo Soomaali kawada muuqdaan islamarkaana lagu wado Tarbiyad aad u wanaagsan”.
Wasiirka ayaa xusay “in sanadkaan waxii ka danbeeya ay sameynayso Wasaarada Waxbarashada manhaj iskumid ah iyo hal imtixaan oo dalka oo dhan ah.

“Sidoo kale Nidaamkii lagu dhaqayay Waxbarashada gaarka ah waa la dhameystirayaa, muhiimadana waxay tahay marka hilmaan ay soo baxaan oo ay wax soo bartaan inay noqdaan ilma Soomaaliyeed oo wax ay la qeybsadaan Caalamka waxaana rajeynaynaa inay noqdaan ilma xoojiya xiriirka ka dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya waxaana idinikaga mahadcilinaynaa hadaa nahay Wasaarada Waxbarashada Fursada aad siiseen Caruurta Soomaaliyeed ayuu yiri Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Mudane Ciise Maxamed Axmed “Guraase”.

Intaas ka dib Wafdiga waxa uu u gudbay Iskuulkii sare ee Farsamada Buula Tikniko oo hada ay Dowlada Turkiga gacanta ku hayso halkaas oo Wafdiga Wasaarada Waxbarashada ay kula kulmeen Maamulka iyo Arday, waxayna ardayda halkaas ka qaadeen heeso wadani ah oo isugu jiray Soomaali iyo af – Turki, wasiirka waxbarshada Mudane “Guraase” oo markale hadal kooban ka jeediyay ayaa “sheegay inay aad ula dhaceen hadii yihiin Wasaarada Waxbarashada qaabka loo dayctiray Iskuulaadka iyo waliba Qalabka la keenay kuwaas oo ay ardayda kaa faa’iidaysanayaan, waxa uuna uga mahad celiyay dowlada Turkiga kaalmada ay siiso Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Wafdiga ayaa waxa uu kormeerkiisa ku soo gunaanuday Iskuulka Banaadiro halkaas oo Wasiir ku xigeenka Mudane Xaamud Cali Xasan uu kula hadlay Warbaahinta waxa uuna yiri Wasiirka “ maanta waxaan soo marnay oo aan balansaneyn Madaxsare ee Iskuulada Turkiga inaan soo aragno heerka ay gaareen waxa uuna ahaa kormeer balaaran si aan u eekno waxa ay meesha ku hayaan, aadna waan ugu faraxnay si loo dhisay oo loo nidaami yay iyo waliba qalabka balaaran ee ay meesha ku hayaan ama Lap-ka  kuwaas oo arday u fududeynaayo inay si dhaqsi ah u fahmaan maadooyinka Cilmiga, waana uga mahadcelinaynaa Dowlada iyo Shacabka Turkiga kaalmada ay siiyaan Umada Soomaaliyeed ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Mudane Xaamud Cali Xasan.”

no images were found

Communication Officer.
Ministry Of Education
Mogadishu Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online