Wasiiro ka tirsan Puntland oo booqday deegaanka Galgala.[Masawiro]

October 22, 2014 - Written by Editor

DSC01292Boosaaso:-Waxaa saaka socdaal shaqo u tegay  deegaanka Galgala ee Buuraha Golis wasiiro ka tirsa dowladda Puntland iyo Saraakiil ciidan waxaan ay kormeer ku soo mareen saldhigayo ay ciidanka Puntland ay ku leeyhiin Buuraha Golis ka dib markii ay kala wareegeen ciidanka Al-shabaab oo mud halkaas ku sugnaa.

Wasiirada ka tirsan dowladda Puntland ee saaka booqday saldhiyada ciidanka Puntland waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Puntland Xassan Cismaan Aloore , Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaar siinta Hidaha iyo dhaqanka Cabdiweli Xirsi Cabdule Indhaguran, Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax, ,Wasiirka Xannaanada Xoolaha C/llaahi Cali Ducaale, Wasiirka Shaqada Shaqaalaha dhalinyarada iyo Cayaaraha C/raxmaan Sheekh, Wasiirka Hawlaha guud iyo Gaadiidka Cabdirashiid Maxamed Xirsi,  Agaasimaha guud ee ciidamada badda Puntland C/naasir Biixi Soofe.

Socdaalka Wasiirada ka tirsan dowladda Puntland  ay ku tageen deegaanka Galgala ayaa waxaa u jeedkiisa uu ahaa in ay u kuurgalaan xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin Ciidanka difaac Puntland ee howl galada ka wada Buuraha Golis dhowr jeerna dagaal ku qaaday saldhigyo ay Al-shabaab ka samaysteen Buuraeyda Golis.

Wasiiradda ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa markii ay gaareen deegaanka Galgala waxaa soo dhaweeyey  taliyaha guud ee ciidamada difaac Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi Siciid dheere iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka daraawiishta iyo kuwa badda  ee Puntland.

no images were found

Gabagabadii socdaalka Wasiirada ka tirsan dowladda Puntland  ay ku tageen deegaanka Galgala  ayaa waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka  warfaafinta Puntland C/weli indhaguran isagoo  ka warbixiyey u jeedka socdaalkooda uuna ku sheegay in uu ahaa in ay soo eegaan xaalada dhabta ah ee ka jirta degaanka Galgala xaaladuna ay tahay mid degan cidanka Puntland ay wadaan howl galkooda ay Al-shabaab uga sifeynayaan Buuraha Golis .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online