Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibdda Buri’ Hamza oo la kulmay ergeyga midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

October 28, 2014 - Written by Editor

DSC07353Mogadishu, October 28, 2014-  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa ergeyga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Maman S. Sidikou , Taliyaha ciidanka AMISOM  Lt. Gen. Silas Ntigurirwa iyo Saraakiil kale .

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kala dhaxeysa ergeyga midowga Afrika iyo howlgalka AMISOM, adkeynta ammaanka dalka ,ka hortagidda  dhuxul laga dhoofiyo dekadda macmalka ah ee degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose iyo dekadda Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose , si loo dhaqan-geliyo go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud iyo go’aanka  golaha ammaanka ee Qramada Midoobey ay ka soo saareen arrintan .

Wasiiru dowlaha , waxa uu ugu baaqay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM inay ka qeyb qaataan ololaha lagu joojinayo , laguna hor istaagayo in dhuxul laga dhoofiyo  Xeebta degmada Baraawe iyo dekadda Magaalada Kismaayo.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa muujiyay in dhuxusha ay sabab u noqotay in dhirta iyo deegaanka ay la soo gudboonaato dhibaatooyin kala gedisan, taasina ay ugu wacan tahay dadka oo gubaya geedaha iyo dhirta gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed  ka baxa si ay u dhuxuleeyaan , ugana ganacsadaan.

Golaha ammaanka ayaa cunaqabateyn ku rogay in Soomaaliya ay dibadda uga dhoofisho dhuxusha laga gubo dhirta, taasi oo la aaminsan yahay inuu yahay isha dhaqaalaha kooxda Al shabaab ee xiriirka la leh Ururka Alqaacida .

no images were found

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online