Agaasimaha Sirdoonka Puntland (PIA) oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe

November 20, 2014 - Written by Editor

Astaanta-PuntlandGaroowe:-Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Puntland (PIA) Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa maanta wuxuu shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Agaasimaha ciidanka Sirdoonka Puntland (PIA) ayaa waxaa uu ka waramay xaalada guud ee amaanka wuxuuna shaaciyey inay dhowaan bilaabi doonto hawlgalo culus oo lagu sugayo amaanka wuxuuna sheegay in ay heleen xog kala duwan.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Puntland (PIA) Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa sheegay in ay jiraan kooxo kala duwan oo isku dan ah kuwaas oo khatar ku ah amaanka iyo xasiloonida ka jirta deegaanada Puntland.

Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa sidoo kale xusay in ay jiraan rag ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya Puntland si ay dilal uga geystaan wuxuuna sheegay in howlgalada bilaaban doona si gaar ah loogu beegsan doono.

Agaasimaha ciidanka Sirdoonka Puntland (PIA) ayaa digniin u diray shacabka ku dhaqan Puntland wuxuuna sheegay in cid walba oo soo dhaweysata dambiile lid ku ah amaanka Puntland sharciga la horkeeni doono.

Ugu dambeyntii wuxuu baaq u diray dadweynaha ku dhaqan Puntland isaga oo ka codsaday in ay kala shaqeeyaan amaanka iyo xasiloonida ka jirta deegaanada Puntland.Qeylo dhaanta Agaasimaha ciidanka Sirdoonka Puntland (PIA) Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa ku soo beegmeysa ka dib markii shalay ay rag hubeysan ay ku dileen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug Weriye Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silver).

M_M Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online