Ciidanka DFS oo howlgalo ka sameeyey deegaano ka tirsan Degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan

November 26, 2014 - Written by Editor

hiiraanHiiraan:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan DFS ay saaka howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan  Degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan
Howlgalada saaka ay ciidanka DFS ka sameeyeen deegaano ku xeeran Degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan ayaa waxaa ay ciidamda gacanta ku soo dhigeen 10 ruux kuwaas oo looga shakisan yahay in ay yihiin kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada melatariga ee DFS ee Degmada Maxaas Maxamed Muumin Saneey, ayaa sheegay in ay howlgalada fuliyeen ka dib markii dadweynaha ku dhaqan Degmada Maxaas ay ka soo cawdeen xubno ka tirsan kooxaha Amniyaadka ee Al-Shabaab kuwaas oo hanjabaadyo ku haya qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Degmada Maxaas.

Maxamed Muumin Saneey Taliyaha ciidamada melatariga ee DFS ee Degmada Maxaas ayaa sheegay in 10 qof ee la soo qabtay ay ku socdaan baaritaano cidii lagu helo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab cadaalada la horkeeni doono.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa laba maalin ka hor ku dilay duleedka Degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan askari ka tirsan DFS iyo qof rayid ah .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online