Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya oo duqeyn ka geystay tuulada Hargeysa Yarey

November 25, 2014 - Written by Editor

duqeynJilib:-Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa maanta duqeyn ka geystey meel u dhow tuulada Hargeysa Yarey ee ka tirsan  degmada Jilib ee gobllka Jubabda Dhexe.

Diyaaradaha dalka Kenya ayaa 3 maalmood ee la soo dhaafay waxay duqeymo kala duwan ka geysteen gobalada J/Hoose , J/dhexe iyo Gedo sida ay xaqiijiyeen goob-joogeyaal ku sugan deegaanada  ay duqeyntu ka dhacday.

Madaxada iyo saraakiisha ciidanka dalka Kenya ayaa sheegtay in duqeymaha ay la beegsadeen fariisimo ay kooxda Al-shabaab ku leeyihiin  gobollada Gedo iyo Jubbooyinka waxayna sheegteen in ay dileen dagaalyahano badan balse waxaa la xaqiijiyey in duqeymaha qaar ay khasaaro u geysteen dad rayid ah oo xoolo dhaqato ah .

Dowlada dalka Kenya ayaa waxay aad uga corootay 28 ka tirsan macalimiin wax ka dhiga qaar ka mid ah dugsiyada Degmada Mandheera kuwaas oo ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ka soo talaabay dhanka Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online