Dugsiga Quraanka ee Hooyo oo laga furay magaalada Gaalkacyo.[Masawiro]

November 21, 2014 - Written by Editor

DSC03504Gaalkacyo Jimciyada hooyo oo ka shaqaysa Arrimaha Khayriga ah ayaa xarun cusub oo lagu baranayo quraanka kariimka ah kafurtay  xaafada garsoor ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaan agagaarka masjidka ramadaan. Xaflad si wayn loo soo agaasimay ayna kasoo qayb galeen hogaanka jimci yada hooyo , maamulka mu asasada al, minhaaj , dhalin yaro haween iyo dhamaan qaybaha kaladuwan ee bulshada ayaa waxa lagu furay xarunta sagaalaad ee duagsiyada hooyo ee magalada Gaalkacyo.

Ka dib furitaanka Xalfada iyo Ayaadaha quraanka kariimka ah ayaa waxaa Sheekh Mustafe Yuusuf C/kariim  uu bulshada kubaraarujiyay alle kacab siga isagoo kawar bixyay wax qabadka xarunta samafalka hooyo iyo aasaase heedii Sh Cali Faarax alle ha unaxariistee waxuuna intaa kudaray in xaruntu ay ka shaqayso arimaha khayriga ah sida barashada quraanka kariimka ah ogoonta naafada rajada iyo daryeelka bolshada

Sidoo kale waxa madasha kahadlay haweenkii kasoo qaybgalay waxayna sheegeen in ay soo dhawaynayaan xarunta kana qayb qaadanayaan dawrka kaga aadan isla markaana ay baraarujinayaan dhamaan haweenka xaafada ee daneenaya barasha quraanka kariimka.

Dhanka kale waxa madasha ka hadlay Gudoomiyaha mu asasada al, minahaj maxamed siciid muuse  wuxuna tilmaaamay in ay tahay wax lagu farxo in uu sii socdo camalkii khayriga ahaa ee uu bilaabay Sh Cali Faarax alle ha una xariistee wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in ay muhiim tahay in ay wax bartaan hooyooyinku sababtoo ah waa asasaka bulshada.

Sidaa si la mid ah ayaa waxaa madasha kahadlay Macalin Xuseen oo ka mida Macalimiinta Dugsiyada Hooyo  waxaana hadal kiiisa kamid ahaa: “shaqadani waa shaqo diineeed loona baahanyahay in lasii xoojiyo  lana tayeeyo aqoonto hooyooyinka”

Jimciyada hooyo ayaa waxaa ay ka hergalisay magaalada galkacyo xarumo lagu barto quraanka kariimka oo kala ah:-

 

Xarun Meesha ay ku taalo
1 X,Garsoor aaga Ibnu-Cabaas
2 X.Israac aaga Ceel-timir
3 X.Garsoor aaga Yameys School
4 X.Garsoor aaga Nation link
5 X.Israac aaga Siinaay
6 X.Israac aaga Masjidka Salaama
7 X.Garsoor aaga Masjidka Shaafici
8 X.Garsoor aaga Masjidka Nasrullaah
9 X.Garsoor aaga Masjidka Ramadaan

Si kastaba ha ahaatee Jamciyada Hooyo ayaa waxaa ay halkeedii kasii wadaa kor u qaadidda Qur’aan iyo Daryeelka Bulshada kadib markii uu geeriyooday Alle ha unaxariistee Sh.Cali Faarax , waxaana la wada xasuustii Tartankii Qur’aan ee ay u qabatay Dugsiyada hoos yimaada ee Magacooda la yiraahdo (Hooyo).

no images were found

Cumar C/xamiid Rashiid

Xafiiska Warfaafinta Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online