Gabay:- Culimo saw maaha waa tix gabay uu tiriyey Ismaaciil Maxamed Cali (Akhriso)

November 22, 2014 - Written by Editor

ismailFinland:-Tixdan kooban ee aan u magac bixiyay CULIMO SAW MAAHA ayaa waxaan jeclaystay in aan la wadaago walaalaha tixdan ayaa waxay tilmaamaysaa kaalinta  ay culimadeenu bulshada kaga jirto kaalintaasina waa mid aynu wada ognahay  laakiin nafta ayaa mar walba ubaahan in wax la xasuusiyo sida uu ilaahay quraankiisa ugu yidhi ( xasuusi xasuusintu waxay anfacdaa mu’miniintee ) hadaba waxay tidhi tixdu.

Rabbibaa cadaaladda sugoo, caynsha oo jira’e
Caqiidada saliimka ah kuwii, ceebta ka ilaashay
Ee caada qaataha ka wiray,  caasigiyo gaalka
Ee cadawgu qaar laayayeen, cidi is waydiinin
Caawana u taagani bulshada, culimo saw maaha
Colalkii shisheeyuhu markuu, cudud ku faajooday
Cawaankii gumaystuhu markuu, inagu ceegaagmay
Ciideena hodanka ah markuu,  cagaha soo joojay
Cuudkiyo barwaaqada markuu, cayn u guranaayay
Kuwii cariyay ee eryaday iyana, culimo saw maaha
Markastoy colaadiyo dhacaan, caabuq iyo aano
Oo cudwaan daraadii  hirdini,  caadka ka hillaacdo
Oo  cidi  cidii  kale  markaa,  caawis kala maagto
Oo la is collaystoo bulshada, caajis kala gaadho
Kuwa lagu caweeyaa markaa, culimo saw maaha
Caydhiyo  abaartiyo  xilliga, caatadiyo wayda
kolka ay catawdee bulshadu, ciidmi kari waydo
Cadibaad daraadeed markay, cayna garan waydo
Caadilbaw  miciinoo  allaa,   caawimaad badane
Cududooda kuwa aan hagrani, culimo saw maaha
Bulsho waliba carrab iyo afbay, caan u tahay gaare
Waa  cajaa’ib  aayaada  oo,   carabigaw  mudane
Afka-hooyo waxa lagu ceshaa, caynka maansada’e
Kuwa curiya suugaanta gabay, culimo saw maaha
Ilaahay kuwa ka cabsadaa,  culimo saw maaha
Cilmiga iyo dhaxalka kuwa sidaa, culimo saw maaha
Kuwa  jaahilnimo  caydhiyaa, culimo saw maaha
Kuwa daallinnimo ceebiyaa, culimo saw maaha
Cadligana kuwii boorriyaa,  culimo saw maaha
Cadaabka kuwa innooga digaa, culimo saw maaha
Cafiifsanida kuwa inna faraa, culimo saw maaha
Kuwa xaqa cadeeyeen gabbani, culimo saw maaha
Caad la isma saaroo runtaa,  lagu caddaadaaye
Cadceeddoo dhag tidhi laguma dedo, cududa waagiiye
Caynka  iyo  indhaha  bulshadu,  culimo saw maaha.

Waxaa tiriyey  Ismaaciil Maxamed Cali
Lieksa Finland

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online