Kulankii Baarlamaanka DFS oo buuqay iyo natiijo la’aan ku dhamaaday.[ Video]

November 24, 2014 - Written by Editor

jawaari-Muqdisho:-Kulankii Baarlamaanka DFS ayaa mar kale waxaa uu ku dhamaaday  buuq iyo natiijo la’aan ka dib markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu soo galay golaha baarlamaanka DFS  hal mar is qabsaday buuq iyo sawaxan ay sameeyeen xildhibaanada diidan Mooshinka ee la safan Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi weli Sh.Axmed.

Prof Jawaari iyo Ku xigeenkiisa jeylaan Iikar ayaa xakameyn waayey xaalada baarlamaanka DFS  iyaga oo xitaa si quman u fariisan waayey kuraastoodii . Xildhibaanada Mooshinka diidan oo aad u careysan ayaa ku buuqay Guddoomiye Jawaari iyaga oo ugu baaqay in uu sharciga ilaaliyo mooshinkana uu yahay mid xaaraan ah.

Gudoomiyaha baaralamaanka DFS Prof Jawaari iyo ku xigeenadiisa ayaa isaga baxay golaha baarlamaanka iyaga oo ka arrinsanaya waxay ka yeeli lahaayeen xildhibaanada diidan Mooshinka oo wili wada buuq iyo sawaxan.

Kalfadhiga Baarlamaanka DFS ayaa markii saddexaad ku dhamaaday guul daro iyo natiijo la’aan taas oo ay sabab u tahay
hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya oo u kala jabay labo garan oo kala taageersan Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud iyo Ra’iisulwasaare C/weli Sh Axmed.
Hoos ka Daawo buuqa iyo qaylada ka dhex socota Xildhibaanada Baarlamaanka DFS

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online