In ka badan 70 Gabdhood oo Shahaado Xifdinta Qur’aanka lagu gudoonsiiyey Garoowe.[Masawiro]

November 30, 2014 - Written by Editor

5Garoowe:-Masjidka Xaaji Cali ee magaalada Garoowe waxaa lagu qabtay Xaflad si weyn loo soo Agaasimay taasi oo ahayd mid Shahaadooyin lagu gudoonsiinayay in ka badan 70 Arday oo mudo ku dhawaad sanad wax ka baranayay Madrasada Xaaji Cali ee magaalada Garowe.

Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Maamulka Puntland Iyo Mu,asasada Al-Minhaaj Faraceeda Gobolka Nugaal ayaa ka qeybgalay Xaflad shahaadooyin lagu Gudoonsiinayay Arday ka qalin jebisay Madarasada  Xaaji Cali ee Magaalada Garowe.

Xafladan oo ay ku qalin jebinayeen islamarkaana shahaadooyinka lagu gudoon siinayay in ka badan todobaatan arday oo dhammaantood ahaa Dumaray ayaa waxay ka baxeen oo ay wax ku barteen xarunta madarasada Xaaji Cali ee Magaalada Garowe waxaana xafladan ka qeyb galay Gudomiye Ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland,Wasiiraka Wasaarada Cadaalada Culimada Gobalka Nugaal Mu’asasada Al-Minhaaj Dacwada Iyo HUrumarinta Puntland  iyo qaar ka mid ah Waalidiinta dhashay Ardaydaasi aflaxday.

Cabdikariin Daahir Maxamuud oo ah Maamulaha Madarsada Xaji Cali ee ay Ardeydan ka qalin jebiyeen ayaa ka waramay ujeedka qabashada Xafladan iyo  waxyaabaha ay Ardeydu barteen ,waxaana uu sheegay in ay Barteen Tafsiirka Quraanka Kariin Xifidinta Quraanka Kariimka,iyo Sunuda Nabigeena Muxamed NNKH.

Waxaa hadalka qaatay Sh.Mukhtaar Axmed Faarax Oo ah Gudoomiyaha Mu,asasada Al-Minhaaj Xafiiskeeda Gobolka Nugaal Waxaana uu ku dheeraaday Baraarrujin Ardayda Iyo waaridiinta Dhashay In ay waxay barteen ay umadda gaarsiiyaan kana faa iidaystaan kuna dhaqmaan waxaana uu qiray dhanka Mu’asasada Al-Minhaajna In ay Garabtaagan Tahay wax walba oo horumarinta bulshadu ku jirto .

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Puntland Cismaaciil Maxamed Warsamey ayaa isna dhankiisa ka sakow qabashada xafladan qalin jebinta sheegay in siyaasada Dowlada Madaxweyne Cabdiweli Maxamed ay ku jirto taageerida goobaha Diinta Islaamka lagu Barto.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa isna goobta ka hadlay.
Xubnihii Culimada Gobalka nugaal ee dhan kooda ka hadlay xafladan ayaa aad u dhiira geliyay in qof kasta oo islaam ah waajib ka saran tahay barashada Diinteena islaamka waxaana dufcadan ka qalin jebisay Madrasada Xaaji Cali ay qeyb ka Noqoneysaa Dufacdo horay sidaan oo kale madrasada uga baxay.

no images were found

Nuur Jaamac Adam Alminhaaj Puntland
Nuurjaamac21@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online