Jawaari oo la kulmay Gudoomiyeyaal Baarlamaan,Kana Qeybgalay Munaasabad Lagu Furayey Dhismaha Cusub Ee Baarlamaanka Jabuuti

November 22, 2014 - Written by Editor

DSC_2789Gudoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Sh Cusmaan Jawaari oo wafdi Xildhibaanno ah oo uu hogaaminayo ay ku sugan yihiin magaalada Jabuuti ayaa saakay ka qeybgalay Munaasabad lagu furayey dhisme cusub oo uu ku howlgali doono Golaha Baarlamaanka Qaranka Jabuuti isagoo kulammo gaar gaar ahna la qaatay gelinkii dambe ee maanta Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka caalamka qaarkood iyo safiirro.

Munaasabadda furitaanka dhismaha cusub ee Baarlamaanka Jabuuti oo maanta uu si rasmi ah xarigga uga jaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele waxaa sidoo kale lagu marti qaaday oo ku sugnaa Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalal caalamka ka tirsan sidda Gudoomiyaha Baarlamaanka IRAN oo dalkiisa uu dhismahan hirgeliyey, Gudoomi ye yaasha Baarlamaannada Saudi Arabia,Imaaraadka Carabta,Jaamacadda Carabta,Kuwait,Yemen, Sudan iyo hormuudka Baarlamaannada Afrika.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulammo gaar gaar ah gelinkii dambe ee maanta kula qaatay Hotelka Kampiski ee magaalada Jabuuti Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Iran,Imaaraadka Carabta iyo Jaamacadda Carabta kuwaasi oo dhammaan ay ka wada hadleen xiriirka iyo wada shaqeynta uu Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la leeyahay Baarlamaannadaasi,sidoo kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu kulammo la qaatay safiirrada dalalka caalamka qaarkood u fadhiya dalka Jabuuti.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online