Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo Tacsi u diray ehelada Jen Cumar Xaaji Maxamed

November 25, 2014 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Fedraaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida Sarreeye Gaas Cumar Xaaji Maxamed, oo ku geeriyooday magaalada Leicester ee dalka Britain.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale tacsi taa la mid ah u diray Ilaaheyna uga baryay Samir qoyska iyo ehelada Marxuum Cumar Xaaji Maxamed, oo ka mid ahaa siyaasiyiiinta aad isugu howlay in laga gudbo dagaalka sokeeye lana dhiso Dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

Allaha u naxariistee Cumar Xaaji Maxamed wuxuu ka qeyb galay wadahadallo iyo shirar dib u heshiineed oo ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba wuxuuna ka mid ahaa siyaasiyiintii ku guuleystay in ay Baarlamaan Soomaaliyeed ku soo dhisaan Carta sannadkii 2000

Marxuum Cumar Xaaji Maxamed, waxaa uu muddo dheer ka tirsanaa  ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu derejooyinka ugu sarreeya ka gaaray. Allaha u naxariistee Cumar Xaaji Maxamed oo mar Wasiir noqday wuxuu dalka ka soo qabtay xilal kala duwan.

Madaxweynuhu wuxuu Ilaaheey uga baryay in uu Marxuum Cumar Xaaji Maxamed ka waraabaiyo Jannada.

Dhammaan

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online