Madaxweynaha Puntland oo kormeeray xarumo muhiim ah oo ku yaal magaalada Boosaaso(Masawiro)

November 29, 2014 - Written by Editor

IMG_8465Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Booqday Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso,Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Barri ,Saldhiga Booliska Boosaaso iyo dhul ay Dawladdu leedahay oo hada degaan u ah qaar kamid ah shacabka Puntland waxana uu sidookale madaxweynuhu ku dhex lugeeyey Xaafada Golciise oo kamid ah xaafadaha ku yaal Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri.

Booqashadiisi maanta ayuu Madaxweyne Gaas ka bilaabay Garoonka diyaaradaha Boosaaso ee Bandarqaasim ,Garoonkaasi oo dhawaan si rasmi ah loo bilaabayo dhismaha dhabaha diyaaraduhu ay ku ordaan ‘’Runway’’ oo ah qeybta ugu muhiimsan ee dhismaha Garoonkaas.

Madaxweyne Gaas ayaa indha-indheeyay qaybaha uu ka kooban yahay Garoonku waxana uu sidookale la kulmay injineerada dhisaya isagoona kula dardaarmay in ay laba jibaaraan howsha ay gacanta ku hayaan si sanad gudihiis loo helo Garoon caalami ah oo ay dhammaan ka faa’iidaystaan isticmaalkiisa shacabka Puntland iyo soomaali oo idil.

Markii uu Madaxweyne Gaas soo gabagabeeyey  kormeerk shaqo ee uu ku tagay garoonka diyaaradaha Boosaaso,wuxuu kormeeray qaar kamid ah xarumaha dawladda sida Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Barri ,Saldhiga Booliska Boosaaso iyo dhul ay Dawladdu leedahay oo hada degaan u ah qaar kamid ah shacabka Puntland,waxana warbixino ka dhagaystay Saraakiisha maamusha qeybahaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa noqday abid Madaxweynihii ugu horeeyey ee si kalsooni ah ugu dhexlugeeyey xaafada Golciise oo kamid ah xaafadaha ku yaal magaalada Boosaaso qiyaas ahaana 300mtr ayaa waxaa guryo degaan ah ay u yihiin shacabka qeybtii deegaankaasi Golciise ayaa ahaan jiray xarun ay la haayen Booliskii Soomaaliyeed.

no images were found

Dadka degan xaafadaas ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyey Madaxweyne Gaas iyo wafdiga la socday iyagoona muujiyey dareen farxadeed maadama uu maanta booqday Madaxweynahoodu intaas kadibna waxa uu uga sii gudbay isagoo lug ku dhex mushaaxaya laamiga weyn ee Magaalada Boosaaso Saldhiga Booliska oo ku yaal dhinaca qorax ka soo baxa ee laamiga.

Booqashadaan Madaxweyne Gaas ku dhemarayey Magaalada Boosaaso ayaa noqotay booqasho taariikhi ah kadib markii uu madaxweynuhu gees ka gees laamiga uu luk ku maray,taas oo ka turjumaysa in amniga magaalada Boosaaso uu yahay mid aad iyo aad u wanaagsan.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online