Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey Qardho.[Masawiro]

November 26, 2014 - Written by Editor

IMG_7524Qardho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey maanta Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Kar-Kaar. Soo dhaweynta waxaa ka qeyb qaatay Maamulka Gobolka Kar-kaar,Maamulka degmada Qardho,Hogaanka dhaqanka iyo qaybaha kale ee Bulshada ,kuwaasi oo diyaar garoow xoogan ugu jiray soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdiga la socda.

Madaxweyne Gaas ayaa soo dhaweyn ka dib kormeer shaqo ku maray Cisbitaalka weyn ee qardho ,Xerada Tababarka Ciidanka Birmadka ,Wakaalada Xoogga Korantada Umadda ee EENEEYA iyo sidookale Garoonka diyaaradaha ee Qardho oo ay ka socoto howlo dib u dayactir ah.

Maamulka Cisbitaalka Qardho ayaa Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uga warbixiyey howlaha shaqo ee ay bulshada u hayaan waxana uu madaxweynuhu kormeeray dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay cisibtaalka isagoona halkaasi ku booqday bukaanada ku sugan cisbitaalkaas kuwaasi oo hela daryeel caafimaad oo wanaagsan.

Booqashadan uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maanta ku yimi magaalada qardho ayaa waxaa uu qeyb ka yahay safar shaqo oo uu ku tagayo Madaxweynuhu qeybo kamid ah Gobolada Bari iyo Kar-kaar.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online