Madaxweyne Gaas oo markab Dagaal dushii kula kulmay Saraakil ka tirsan Ciidamada isbahaysiga Nato.[Masawiro]

November 30, 2014 - Written by Editor

IMG_8788Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dusha Sare ee Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada isbahaysiga NATO kula kulmay saraakiil katirsan ciidamada NATO ee howlgalka ka dhanka ah burcad badeeda kawada xeebaha Soomaaliya gaar ahaan saraakiisha hogaamiya ciidanka Dawladda Denmark ee howlgalkaasi qeybta ka ah.

Dhanka dowladda Puntland waxaa kullankaas kala qeyb galay Madaxweyne Gaas, wasiiro katirsan xukuumada Puntland waxana kamid ahaa Wasiirka Amniga Puntland, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasiirka Kalluumaysiga iyo kheyraadka badda Puntland iyo sidookale Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay mudadii uu socday kullankani waxaa ka mid ahaa sidii loo dardar gelin lahaa soo afjarida iyo la dagaalanka burcad badeeda iyo kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab iyo ka hortaga kalluumaysiga sharci darada ah.

Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada NATO ayaa Madaxweyne Gaas u sheegay in doonyo si dharci daro ah uga kalluumaystaan xeebaha Puntland ay jiraan kuwaasi oo kor u dhaafaya 200 oo doonyood oo habayaraate wax ogolaansho ah aan u haysan marka laga reebo 30- meeyo haysata ruqsada kalluumaysiga sharciga ah taasina ay ku tusayso in amuurtani ay tahay musiibo qaran sidiiba uu horay ugu sheegay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in kalluumaysiga sharci darada ah uu yahay musiibo qaran horaanti sanadkaan.

Sida Ciidamada isbahaysiga NATO sheegeen ayaa waxay tilmaameen in doonyahan kaluumaysiga sharcidarada kawada xeebaha Puntland ay ku arkeen deeganka xaafuun keliya 200 doonyood oo jariif ah, taasina ay ka markhaati furayso in xaalufin ba’ani kasocoto bada Soomaaliya.

Saraakiishaasi ayaa sidookale madaxweyne Gaas u soo bandhigay tababaro ay siiyeen qaar kamid ah ciidanka ilaalada xeebaha Puntland gaar ahaan ciidanka ilaalada dekeda Boosaaso, kuwaasi oo labaray sida loo baaro sunta,sida doonida marka aad istaajinayso loo hor istaago, sida loo weydiiyo Documintiga doonyaha iyo maraakiibta iyo weliba sida loo baaro khanka doonyaha iyo maraakiibta ay suurtagalka noqoto in lagu soo qariyo hub iyo maandooriye.

Sidoo kale waxaa si qoto dheer loo lafaguray caqabadaha taagan ee u baahan in si deg deg ah wax looga qabto iyo sidii dhibaatooyinka arimaha bulshada la isaga kaashan lahaa wax ka qabashadooda.

Madaxweyne Gaas ayaa saraakiisha isbahaysiga NATO uga mahadceliyey tababar siinta ciidanka isagoona ku booriyey in ay sii laba jibaaran si loo helo ciidan xoogan oo ilaaliya xeebaha Puntland lana dagaalama denbiilayaasha geysta faldenbiyeedyada .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayay arrimaha sababay abuuritaanka burcad badeeda sheegay in ay ka mid tahay shuftada sida sharci darada ah uga kalluumaysta xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo kelifay in kooxahaasi burcad badeeda ahi ay abuurmaan.

Gebegebadii kulanka ayaa waxaa la isku afgartay gartay in la xoojiyo la dagaalanka burcad-badeeda, cidhibtirka kooxda Al-shabaab, iyo sidoo kale ka hortaga kalluumaysiga sharciga darada ah ee xaalufiyey badaha Soomaaliya.

no images were found

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online