Muxaadaro ku saabsan Danbiyada waaweyn oo lagu qabtay Gaalkacyo

November 20, 2014 - Written by Editor

garweyneGaalkacyo:-Masjidka Ramadaaan ee Xaafadda Garsoor  ee magaalaga Gaalkacyo ayaa waxaa lagu qabtay muxaadaro ay ka soo qayb galeen qaybaha kale duwan ee bulshada ku nool Gaalkacyo yadoo muxaadaradu bilaabatay Salaadii Makhrib ka dib. Muxaadarada ayaa waxaa soo jeediyay Sh.Cabdicaziiz Axmad Aadan (garwayne) wuxuuna aad ugu dheeraday shiikhu  ka hadalka danbiyada waawayn sida shirkiga, beenta, ribada, dilka, dhaca, boobka iyo sinada.

Shiikh  Cabdicaziiz wuxuu  sheegay  in danbiyada waawayn ay keenaan labo arimood oo ah in waajib laga tago ama macsi la kasbado , waxaana uu  intaas ku daray in danbiga wayn uu yahay wixii nacaladi ku soo aroorto  ama xad ka waajibo ama care alle iyo cadaab waajibiya.

Dhanka kale Sh.Cabdicaziiz wuxuu  ku dheeraaday qaybaha Kabaairta waxaana uu sheegay in kabaairtu ay u qaybsamaan labo qaybood oo kal ah  mid ah xaqu laah iyo xaqu aadami , waxaana uu intaas ku daray in loo qaybiyo afar qaybood oo waawayn oo kala ah :-

1-Dunuubta Boqornimada sida: Cibaadada , Xukunka ,Khasbidda iyo wax walba oo Alle gaar la yahay.

2-Dunuubu Shaydaanimada Sida: Xad gudubka , islawaynida IWM.

3-Dunuubta Bahalnimada Sida: Dilka , Dhagarta IWM.

4-Dunuubta Xayawaanimada Sida: Dharjinta Caloosha iyo Farjiga.

Ugu danbayntii waxaa uu Shiikhu ku soo gaba gabeeyay Muxaadarada Siddii lagu daaweyn lahaa ama looga bixi lahaa Danbi yada waaweyn waxaana uu sheegay in loo baahanyahay Tawbo Nasuuxa ah oo laga helay Shuruudeedii (Danbiga in laga boxo , Laga Shalaayo , in uu goosto in uusan dib danbe ugu noqon) , iyo in Alle loo noqdo , Qofku in uu Carabkiisa iyo Xubinkiisa taranka Ilaaliyo , iyo in loo istaago Wanaag faridda iyo Xumaan reebidda.

Si kastaba ha ahaatee Muxaadaradaani ayaa waxaa ay qayb ka tahay Muxaadarooyin Isbuucii mar la qabanayo looguna tala galay in lagu Cusboonaysiiyo Boorkana looga qaado Iimaanka Bulshada.

Cabdulaahi Sahal Maxamuud
Xafiiska Warfaafinta Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online