Ra’iisul wasaaaraha DFS oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Gen. Cumar Xaaji Masalle

November 25, 2014 - Written by Editor

cabdiweliMuqdisho:- Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/weli Sheekh.Axmed Maxamed, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya dhammaan qoyska,qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday allaha u naxariistee Marxuum Sareeye Gaas Cumar Xaaji Masalle, oo xalay ku geeriyooday magaalada Lassester ee dalka Ingiriiska.

Mudane Cabdiweli Sh Axmed Maxamed, ayaa tilmaamay marxuumku in uu ahaa muwaadin jecel horrumarka iyo nabadda Soomaaliya, isla markaana ahaa shakhsi jecel in Soomaaliya ay dib gacmaheeda isu taagto.

“Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, maanta ummadda Soomaaliyeed waxaa ka tagey mid ka mid ah geesiyaashiisii iyo halgamayaashiisii naftooda u hibeeyey u adeegidda qarankan, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Cumar Xaaji Masalle. ayuu yiri R.W Cabdiweli oo dhinaca kale si gooni ah tacsi ugu diray Cabdulqaadir Xaaji Masalle iyo dhammaan qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ugu dambeyn tilmaamay in marxuum Cumar Xaaji Masalle door muuqda uu ka qaatay shirarkii dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaalida loogu qabtay Jabouti, Addis Ababa, iyo Qaahira dowlad bur-burkii kadib.

Marxuum Cumar Xaaji wuxuu ku biiray ciidamada qalabka sida sanadkii 1960. Wuxuuna taliyaha ciidanka lugta ka gaaray darajada sareeye Gaas, waxa uu xilal kala duwan iyo shaqooyin u soo qabtay qarankan weyn ee Soomaaliya waxana ugu muhiimsanaa xilka wasaaradaha Gaashandhiga iyo caafimaadka xiligii ay jirta dowladdii dhexe, isagoo sidoo kale soo noqday xildhibaan dowladii carta lagu soo dhisay.

DHAMAAD –

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online