Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid oo ka hadlay Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

November 23, 2014 - Written by Editor

saacidMuqdisho:-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda F. Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay qaar kamid ah Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibeddiisa, ayaa ka hadlay waxqabadkii Xukuumaddii uu hoggaamiyay ee mudada halka sano ah dalka maamulaysay iyo sidoo kale khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare ee dalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Saacid ayaa ku dheeeray guulihii ay ka gaartay Xukuumaddii uu hoggaaminayey, wuxuuna sheegay in Xukuumadda uu majaraha u hayay ay gaartay mudadii  halka sano iyo dhowrka bilood ahayd  ee ay jirtay guulo la taaban karo, wuxuuna tilmaamay inay dowladdu horumar ka sameysay sida uu yiri dhinacyada arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo adeegga bulshada.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka  hadlay khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare ee dalka, wuxuna ugu baaqay dhinacyadu in ay dhowraan dowladnimada curdanka ah iyo danta guud ee qaranka, iyadoo muhiimadda la siinayo howlaha adag ee dalka u yaala gaar ahaan hiigsiga 2016 iyo gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah sanadka 2016.

“Waxaan leeyahay dhammaan dhinacyadu ha raadiyaan xal khilaafka lagu dhamayn karo, Soomaaliya maanta uma baahna dib-u-dhac iyo khilaafaad horey ayaan usoo aragnay meesha uu na dhigay khilaaf aan xal laga gaarayn. Waxaa muhiim ah in la Tixgeliyo danta guud  ee Soomaaliya lana fiiriyo dhibaatada baahsan ee dalka ka jirta maanta, Dowladda waxaa looga fadhiyaa dalka in ay gaarsiiso doorashooyin xor ah 2016”.

Ahmed Mohamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online