Raisulwasaaraha DFS oo ku baaqay in la joojiyo colaada ka socota gobolka Galguduud

November 30, 2014 - Written by Editor

CabdiweliMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaano hoostaga degmada Xarardheere in ay deg deg u joojiyaan colaada, isuguna yimaadaan miiska wada hadalka.

Ra”iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dagaaladaan aysan ahayn kuwo loo cudur daari karo marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay iyo barakaca ay u gaysteen dadka deegaanka ku dhaqan.

“Beelaha Walaalaha ah ee dirirtu ka dhaxayso waxaan ugu baaqayaa in ay xabad joojin deg deg ah ku dhaqaaqaan, kana waantoobaan colaadaha macno darada ah ee ku soo noq noqonaya deegaanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kalana sheegay in maamulada ka jira goboladaas looga baahan yahay ka qayb qaadashada daminta colaada iyo xal u helida mushkilada ka taagan deegaankaaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka, nabadoonada iyo ururada bulshada rayidka ah iney u istaagan joojinta colaadaan, una fidiyaan gogol nabadeed dadka dirirtu ka dhaxayso, si meesha looga saaro colaada, loona soo celiyo kalsoonidii ka dhaxaysey dadka walaalaha ah ee wada daga degaankaas.

Dagaalkaan oo ka dhacay tulooyin u dhow degmada Xarar Dheere ee gobolka Galgaduud ayaa salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana la soo sheegay in ay ku dhinteen dad gaarayaa ilaa 15 qof sidoo kalana ku dhaawacmeen ugu yaraan 20 qof oo kale.

—DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online