Raisulwasaare Cabdi weli oo ka hadlay Mooshinka laga keenay xukuumada (Dhageyso)

November 24, 2014 - Written by Editor

cabdiweliMuqdisho, 24, November, 2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed, oo caawa war murtiyeedeed uu ka soo saaray xaalada dalka uga waramay marxalada siyaasasadeed ee ka taagan dalka, caqabadaha uu mooshinku ku keenay higsiga 2016, iyo kala qaybsanaanta uu ku dhex abuuray golaha shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey saxaafada ayaa wuxuu tibaaxay inuu doonayo shacabka Soomaaliyeed in uu la wadaago qodobadaan soo socda:

1. 25.10.2014 waxaan soo saaray isku-shaandhayn kooban ee xubnaha golaha wasiirada: Isku shaandhayntu waxay ku salaysanayd awoodaha dastuurku isiinayo ee ku xusan qodobka (100) xarfaha (a) & (b). Iskushaandhayntaas waxaana loola jeeday:
In la dar-dar geliyo hawlqabadka golaha wasiirrada. Gaar ahaan, waxaan ula jeeday xal-u-helidda khilaaf soo kala dhexgalay hay’adda garsooka iyo wasaaradda caddaaladda iyo dhaliilo ka jiray Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arimaha Dibadda.

2. Isla 25.10.2014, nasiib darro, war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha waxaa lagu sheegay in go’aankii Raisul wasaaruhu aanay waxba ka jirin, wuxuuna madaxweynuhu amray Wasiiradii ay khuseysay isku-shaandhayntaas in aanay u hoggaansamin amarkaas, Warka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha wuxuu si cad uga horimaanayaa dastuurka dalka qodobka aan horey ku xusnay iyo kala madaxbanaanaashaha heyadaha dastuuriga ah.

3. Intaa waxaa ka dambeeyey in madaxtooyada laga soo abaabuliyey mooshin sharci darra ah oo ka dhan ah xukuumadda. Mooshinkaas oo aan xiriir la lahayn dhaliilo loo soo jeedinayo waxqabadka xukuumadda, laakiin sallkeedu yahay wasiir la saaxiib ah madaxweynaha oo wasaarad kale loo wareejiyey.

4. Mooshinkas oo xildhibaano badan iyo bulshoweyn Soomaaliyeed ay u aqoonsan yihiin inuu sharci darro yahay loona adeegsaday musuqmaasuq wuxuu keenay kala qaybsanaan ballaaran ee Golaha iyo haydaha kale ee dalka, waqti ay muhiim tahay midnimada hoggankeena, hayadaheena iyo dadweynaheenaba.

5. Mososhinkaan sharci darada ah wuxuu caqabad ku noqday geeddi socoka higsiga 2016.

6. Labo jeeroo hore ayaa mooshinlka, si aan waafaqsanayn habraaca baarlamaanka, loogu bandhigay Baarlamaank. Balse, waxaa xildhibaanadu si cad u diideen in mooshinkaas sharci darda ah ee halista gelinaya midnamdeena iyo jiritaanka hayadaheena la horkeeno golaha. Xildhibaanadu waxay si aan kala go’lahayn ugu soo jeedinayeen madaxweynaha iyo shakhsiyaadka kale ee ka shaqaynaya mooshinka in danta dadka ay eegaan kana joogsadaan hawlaha socda ee dalkeena u horseedi kara dib u dhac iyo bur bur. Waxbase lagama maqlin xildhibaandaas. Baaqyo la mid ah kuwaas oo ka soo baxayey dadweynaha iyo umadaha daneeya Soomaaliya ayaa iyagana dhegaha lagu furaystay.

7. Maanta, 24.11.2014, waxaa dhacay isku day kale oo la doonayey in la dhinac maro xeerka u deggan golaha shacabka. Waxaan bogaadinayaa xubnaha golaha oo ka hortagay isku daygaas xaqdarraada ah. Waxaan ka xumahay dad masuuliyaddii lagu aamainay u isticmaalaya dano gaar ah.

8. Waxaan amaanyaa dadaaladii guddoonka golaha shacabka ku doonayeen ee ahaa in khilaafka lagu xaliyo wadahadal si loo badabaadiyo midnimada gollaha., taasoo anigu mar walba aan diyaar u ahay, hase yeeshee ka hirgeli waayey dhinaca madaxweynaha.

9. Waxaan soo dhaweynaynaa tilmaantii Guddoonka Golaha Shacabka oo ahayd in mooshinkaan sharci darada ah uu caqabad ku yahay hawlihii sharci dejinta iyo dhismaha hayadaha dowladda ee ay isku afgarteen golaha fulinta iyo Golaha Shacabka muhiimkana u ahaa higsiga 2016.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa,id ee uu Raisulwasaare Cabdi weli ku qabtay magaalada Muqdisho

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/8uped81487/cabdi_weli.mp3]

Ama Halkan Mp3
10. Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa goa’aanka guddonka golaha shacabka oo mar walba u taagan in arrintaan lagu xaliyo wadahadal iyo isafgard ka baxsan mooshin kala qaybinaya golaha.
Ugu danbayntii Waxaan ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed ee sharafta leh in ay u midoobaan ilaalinta dastuurka iyo sarraynta sharciga.

—DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online