Sarkaal Ka tirsan Ciidanka DFS ee Gobolka Gedo Oo saaka Muqdisho Lagu Dhaawacay.

November 20, 2014 - Written by Editor

toogashoMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan DFS saaka lagu dhaawacay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon waxaana sarkaalkaas uu ka tirsanaa ciidanka Melatariga ee DFS.

Sarkaalka saaka lagu dhaawacay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon ayaa waxaa la yiraahdaa Corneal Hufle wuxuuna ka tirsanaa saraakiisha ciidanka Soomaaliya ee gobolka Gedo.

Goob joogayaal ku sugan Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon ayaa sheegay in dhaawaca Corneal Hufle uu yahay mid fudud wuxuuna dhaawac ka gaaray lugta Midig.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay ka soo baxayaan cida ka danbeysa dhaawaca Corneal Hufle wararka qaar ayaa sheegaya in uu Corneal Hufle uu dhawacay asakari ka tirsan DFS.

Tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka ka dhexeeya Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raisulwasaare Cabdiweli Sheekh ayaa waxaa ku batay magaalada Muqdisho dilal qorsheysan oo galaaftay nolasha saraakiil iyo masuuliin ka tirsan DFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online