Shirkii New Deal ee Arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Copenhagen

November 19, 2014 - Written by Editor

ShirkaCopenhagen:-Waxaa maanta ka furmay magaalada Copenhagen ee ee caasimadda Denmark Shirkii New Deal ee Arrimaha Soomaaliya waxaan u jeedka shirkaan ay tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya  ay  beesha caalamka  ee taageera ay wax ka wiidiinayaan  wixii u hirgelay hishiiyadii la wada gaaray  iyo geedi socodka waxa loogu yeero Hiigsiga cusub ee Soomaliya.

Shirka New Deal ee Arrimaha Soomaaliya ( The High Level Partnership Forum HLPF for Somalia NewDealcompact Copenhagen) ayaa uu furmay  maanta 10 subaxnimo waxaan shirka furay Ra’iisal Wasaaraha dalka Denmark Helle Thoning-Schmidt.

Shirka maanta ka furmay magaalada Copenhagen ayaa waxaa uu daba joogaa  Shirkii New Deal ee ka dhacay  magaalada Brussels  oo dowladda Soomaaliya loo balan qaaday lacag fara badan balse aysan waxba ka hirgelin.

Shirka New Deal ee a furmay magaalada Copenhagen  ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa wixii u qabsoomay dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sh Maxamuud gaar ahaan  , Dhamaystirka Dastuurka, hirgelinta dhismaha maamul gobolleedya federaal ah, amaanka , Daqliga dhaqaale ,Garsoorka, la dagaalanka al-shabaab  iyo weliba Hiigsashada sanadka 2016.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya dalalka dhaqaalaha ku taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo , hay’ado caalami ah iyo madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada ka jira dalka Soomaaliya.

Shirka New Deal ee a furmay magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Danmark ayaa ku soo beegmaya xili madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdiwel Sh Maxamed uu ka dhex aloosan yahay khilaaf xooggan oo beesha caalamka ay ka walaacsan tahay.

Dhinac kale  Tv-ga dalka Danmarka DR1 oo waraysi kala yeeshay shirka Shirka New Deal ee ka furmay magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Danmark  Wasiirka arrimaha dibadda Martin Lidegaard ayaa waxaa uu sheegay in shirkaan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya balse ay  ka walaacsan yihiin khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh isagoo xusay in xal ay wada gaaraan labada masuul arrinkaasna oo shalay kala hadlay Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud.

Wixii soo ka kordha Shirka New Deal kala soco Halgan.net

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online