Taliye ku-xigeenka waaxda dambi-barista ee CID-da DFS oo lagu dilay Muqdisho

November 20, 2014 - Written by Editor

toogashoMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galabta lagu dilay magaalada Muqdisho Taliye ku-xigeenka waaxda dambi-barista ee CID-da ee DFS G/ Sare Maxamed Cabdi .

Taliye ku-xigeenka waaxda dambi-barista ee CID-da DFS ayaa waxaa lagu dilay xaafada Buulo-xuubey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxaana toogtay koox ku hubeysan qoryaha fudud iyaga oo dilka ka dib goobta isaga baxsaday.

Ciidanka DFS ayaa goobta soo gaaaray dilka ka dib waxaana ay howlgalo ka sameeyeen xaafada Buulo-xuubey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda dilal kala duwan oo ujeedo badan ah kuwaas oo lagu gumaadayo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan aqoonyahanada ,saraakiisha ciidankii hore ee dowlada dhexe ee tababarnaa.

Dilalka qaar ayaa waxaa fuliya kooxda Al-Shabaab iyo kooxo aan la aqoon oo u shaqeeya dowladaha cadowga ku ah dalka Soomaaliya ee aan marna raali ka ahayn in ay Soomaaliya ay cagaheeda ku istaagto.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online