Usbuucii Sheekh Axmed C/samad iyo degmada Galdogob (Masawiro)

November 30, 2014 - Written by Editor

Galdogob iyo ShaxmedGaldogob :-Sh Axmed C/samad oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa maalmahaan nashaad dacwo kawaday magaalada Galdogob, nashaadaadkaas oo ay diyaarisay Mu’assasada Al-minhaaj ee Galdogob ayaa ku bilowday kulan uu shiikhu la qaatay guud ahaan golayaasha dacwada ee degmada , kulankaas waxaa uu isugu jiray xogwaraysi, qiimayn iyo talo wadaag waxaana Go’aan lagu gaaray in la garab istaago shaqooyinka dacwo iyo horumarineed ee ay wado Mu,assasada Alminhaaj.

Sheekhu wuxuu galay muxaadaro caam ah oo uu kaga hadlay hababka ugu haboon oo bulshada dacwada loo gaarsiin karo, sidoo kale wuxuu si qoto dheer uga hadlay muhimada ay leedahay in la mideeyo Bulshada lana hagaajiyo xiriirka Bulshada dhexdeeda ah.

Sheekhu wuxuu u kuurgalay habka uu u shaqeeyo Machadka Imaamu Bukhaari oo ka mid ah Macaahidda ugu wax soo saarka badan degaanada Puntland , wuxuu kale oo ka qayb galay Xaflad loo qabtay qayb ka mid ah Gabdhaha Machadka oo dhamaystay duruus xalaqaad ah , sidoo kale wuxuu ka qayb galay kulan ay soo abaabuleen raabido ay lee yihiin ardaydii dhamaysatay Machadka , wuxuu kale oo la kulamay Maamulka, Macalimiinta iyo Gudiga Boorka ee Machadka waxaana lagu la faguray kulamadaas sidii loo dardar galin lahaa loona tayayn lahaa hawlaha waxbarasho ee machadka.

Sheekha oo uu wehliyo Maamulka mu’assasadu waxay la kulmeen hawlwadeenada iskuulka iyo koleejka Al-nuur , wuxuu kaloo sheekhu booqday Jaamacada Bariga Afrika (Galdogob) , wuxuuna wax ka fududeeyey oo waqti badan galiyey sidii loo xalin lahaa duruufo haystay Jaamacada.

Hawlaha Sheekha iyo mu’assadaba waxaa garab taagnaa Sh.C/risaaq (Abu-Cubayda) oo nooga yimid wadanka Kenya , waxaa sidoo kale Nashaadaatkaan kusoo biiray Fadiilatu Dr C/risaaq Maxamuud Takar oo ka yimid Uk. Si kastaba ha ahaatee Usbuucaas ayaa ahaa mid saamayn ku yeelan doona Abaabulka iyo isku dubaridka Hawlaha Dacwada ee Degmada Galdogob.

no images were found


Cabdiraxmaan Bilaal Cabdiraxmaan Sanka
Xafiiska Warfaafinta Mu’asasada Al-Minhaaj
ee Mudug

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online