Waaxda Shaqada iyo Shaqaala XR.W oo tababar usoo xiray Shaqaale ka tirsan Xafiiska.

November 24, 2014 - Written by Editor

1Muqdisho:-Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo tababarrada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tababar soconayay hal maalin oo ku saabsan kor u qaadidda aqoonta xirfadlayaasha u qabatay qaar kamid ah shaqaalaha Xafiiska, kaa soo qeyb ka ah barnaamijka tayeynta iyo tababarrada shaqada iyo shaqaalaha XRW ee uu ku dhawaaqay Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Mudane C/qaadir Cabdi Faarax.

Agaasimaha Waaxda Shaqada, shaqaalaha iyo tababarka ee XRW Mudane Maxamed Jaamac Yuusuf oo ka hadlay madasha ayaa tilmaamay ujeedka ay tababarka u qabteen in uu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee shaqaalaha, taasoo qorshaha laga leeyahay ay tahay in xafiisku ku shaqeeyo nidaam hufnaan leh .

“Waxaan maanta soo xirnay tababar lagu kobcinayo aqoonta xirfadleyda oo runtii kaalin muuqata ka cayaarta shaqada ka socota Xafiiska. Bishii hore sidaan oo kale waxaan tababar usoo xirnay shaqaale kale oo ka faa’idaystay tababar ay waaxdu bixisay, iyadoo kaashanaysa aqoonyahano iyo khudbaro Soomaaliyeed” ayuu yiri Mudane Maxamed Jaamac.

Agaasimaha guud ee Maamulka iyo Maaliyadda Xafiiska R.W Mudane Abuukar Maxamed Daahiye oo siminaarka soo xiray ayaa ugu baaqay kasoo qeyb galayaashu in ay ka faa’iideystaan tababarka.isla markaasna ku dhaqmaan

Ugu danbeyn, waxaa Shahaadooyin la guddoonsiiyey qaar kamid ah shaqaalihii ka faa’iideystay tababarka ay qabatay Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo tababarrada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

no images were found

—–DHAMMAAD—–

Waaxda Warfaafinta ee XRW
Muqdisho, Somalia
Email: media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online