Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo lagu soo dhaweeyey Jabuuti.[Masawiro]

November 21, 2014 - Written by Editor

DSC_26743Jabuuti:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh Cusmaan Jawaari iyo wafdi Xildhibaanno ah oo uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti ayadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisana si heer sare ah loosoo dhaweeyey.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkan Mudane Idiris Arna’ud Ali,Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.

Hadal kooban oo uu saxaafadda ku siiyey garoonka diyaaradaha Jabuuti Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayuu faah faahin kaga bixiyey safarka isaga iyo wafdigiisa ay ku yimaadeen dalkan Jabuuti oo ka dambeeyey kadib markii uu marti qaad ka helay dhigiisa kaasi oo la xiriira ka qeybgalka Munaasabadda furitaanka dhisme cusub oo uu yeeshay Golaha Qaranka Jabuuti oo ah Baarlamaanka Jabuuti taasina isaga ay farxad iyo sharaf weyn u tahay ka qeybgalkeeda.

Maalinnimada berrito ah ayaa la filayaa iney dhacdo munaasabadda lagu furayo dhisme cusub oo hada kadib uu ku shaqeyn doono Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga Xildhibaannada ah ee uu hogaaminayo ay munaasabaddaasi ka qeybgali doonaan.

no images were found

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online