Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Dhiggiisa dalka Yemen (Masawiro)

November 25, 2014 - Written by Editor

DSC_0119Sanaa:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Sanaa ee Caasimadda Yemen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen H.E. Ambassador. Abdullah Mohamed Al-sayadi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal , xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed , iskaashiga dhaqan, dhaqaale,bulsho iyo ammaan ee ka dhaxeeya labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kaga mahad-celiyay dowladda Yemen marti-sooridda malaayiin qaxooti Soomaali ah iyo siyaasadeeda ku aadan la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeeda , isagoo muujiyay in dalkiisu diyaar u yahay iskaashi balaaran oo dhinacyo badan leh oo uu la sameeyo Yemen .

Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa u rajeeyay dowladda iyo Shacabka Yemen in qalalaasaha ammaan iyo siyaasad ay kaga baxaan dib u heshiisiin iyo bah-wadaag siyaasadeed oo dhab ah , isagoo xusay muhiimadda dalkiisu u leeyahay deganaansho siyaasadeed iyo mid ammaan oo ka dhaqan-gasha dalka Yemen .

Dhankiisa , Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen , Amb. Abdullah Mohamed Al-sayadi ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay tahay dowlad saaxiib ah , walaal ah , ayna filanayaan inay dib uga soo kabato marxaladihii kala duwanaa ee dagaalada iyo abaaraha .

Amb. Abdullah Al-sayadi waxa uu ammaanay guulaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay la dagaalanka argagaxisada , dib u heshiisiinta , dowlad wanaaga  iyo fidinta awoodaha federaalka .

no images were found

Kulankani ayaa waxaa dhanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku wehlinayay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda , Siihayaha cusub Safaaradda Soomaaliya ee Sanaa,Yemen Hussein Sufi  iyo Qunsulka guud ee Aden ahna Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Sanaa,Yemen, Ahmed Abdi Hassan , halka dhanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen kulanka ay ku wehlinayeen Lataliyaha Wasiirka ahna Safiirkii hore ee Yemen u qaabilsanaa Soomaaliya amb. Ahmed Hamid Omar, Siihayaha Safaaradda Yemen ee Mogadishu,Somalia amb. Fuad Mohamed Alzurqah iyo Siihayaha agaasimaha waaxda Afrika ahna uqeybsanaha hab maamuuska Hamud Mohamed Algazali .

Kulankani ayaa ku dhammaaday jawi isfaham leh .

 

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda 
Section of Press and Public Relations
 

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online