Xildhibaano kulan ku yeeshay Muqdisho oo baaq u jeediyay Madaxweynaha.[Masawiro]

November 20, 2014 - Written by Editor

IMG_6685Muqdisho:-Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, xubnaha golaha shacabka ee ka soo horjeeda Mooshinkii dhawaan laga keenay Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu faraha kala baxo shaqada Xukuumadda si ay u gudato waajibaadka Qaran ee laga sugayo.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo dhaweeyay tiro Xildhibaano ah oo horey uga mid ahaa xubnihii mooshinka keenay Xukuumadda, waxana ay tilmaameen markii ay garowsadeen danta qaranka iyo hakadka ay galeen guud ahaan shaqooyinkii Hay’addaha dowladda in ay garowsadeen oo ay isaga talaasulaan mooshinka.

Xildhibaan C/laahi Cumar Abshirow oo ku hadlay magaca Xildhibaanada ayaa sheegay markii uu arkay dhibaatada Mooshinka iyo halista uu ku yeeshay howlihii qaranka in uu go’aan saday dib inuu uga baxo mooshinkaas, wuxuuna geesta kale baaq u diray xildhibaanada weli ku adkaysanaya mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda in ay ilaaliyaan danta qaranka isla markaana ay iskaga haraan mooshinka.

“Anigoo ah Xildhibaan C/laahi Cumar Abshirow horey uga mid ahaa xubnihii Xukuumadda Mooshinka ka keenay, markii aan arkay dhibaatada laga dhaxlay mooshinkaas aniga iyo xubno kale oo xildhibaano ah waxaan go’aan sanay inaan ka baxno, kuna soo biirno xildhibaanada walaalaheen ah ee Mooshinka kasoo horjeeday” ayuu yiri Abshirow.

Dhinaca kale, Xildhibaanka ayaa akhriyay go’aankii maanta kasoo baxay kulankii ay Xildhibaanadu yeesheen, waxana ay ku baaqeen golaha Wasiirrada in ay shaqadooda sii wataan, isla markaana ay soo dhaweynayaan fadhiyadii u danbeeyay ee goluhu yeeshay kuwaas oo lagu meel mariyay dhowr Hindise iyo miisaaniyadda Dowladda.

1. In la taageero Golaha Wasiirrada oo shaqadoodii si habsi ah u socoto, anagoo ku bogaadinaynaa go’aamada ay ku ansixiyeen labo Hindise Sharciyeed iyo Miisaaniyadda 2015 taas oo la xiriirta Hiigsiga 2016.

2.Waxaan Madaxweynaha uga digaynaa faragelinta joogta ah oo uu ku hayo golaha Xukuumadda, iyadoo markii ay diideen Baarlamaanku mooshinka sharci darrada ah uu bilaabay inuu kala qeybiyo golihii Wasiirrada taas oo keeni karta curyaamin shaqadii dowladda.

3. Waxaan taageeraynaa baaqyada Beesha Caalamka iyo go’aamadii kasoo baxay shirka Copenhagen ee ku aadan in aan waqtigaan loo baahayn in la carqaladeeyo hiigsiga 2016, looguna baaqayo hoggaanka Soomaaliyeed in ay midoobaan oo u turaan ummada Soomaaliyeed, arrintaas oo si cad u sheegaysa in Madaxweynuhu joojiyo mooshinka uu wado, kuna taageero
Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda howsha muhiim ka ah ee ay gacanta ku hayaan.

4. Waa in la ilaaliyo midnimada Baarlamaanka, lagana hortago wixii carqaladaynaya howsha baarlamaanka oo ay ahayd in uu meel-mariyo howlaha horyaala kalfadhiga 5-aad ee ay usoo gudbiyeen golaha Wasiirrada.

no images were found

Ahmed Mohamed

Muqdisho, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online