Faahfaahin Socdaalkii Madaxweynaha DFS ku tagay magaalada Kismaayo (Masawiro)

December 18, 2014 - Written by Editor

12Kismaayo:-Madaxweynaha DFS  iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe)

Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha DFS Soomaaliya ayaa waxaa uu ahaa in uu ka qeyb galo xaflad sagootin ah oo loo qabanayey  Ciidamada Seirra Leone ee ka midka ahaa howl galka AMISOM ee gobalka J/hoose.

Xaflada loo qabtay sagootinayay Ciidamada Seirra Leone ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Taliyaha ciidanka Sierra Leone waxaana Madaxweynaha uu bilad sharaf uu gudoonsiiyey Taliyaha Seirra Leone oo mudo sanad ah ku sugnaa magaalada Kismaayo.

Ciidamada Seirra Leone ayaa waxaa ay dib ugu laabaya dalkooda ka dib markii uu dalkaas ka dilaacay cudurka Ebola oo dad badan ku dilay dalalka ka tirsan Afrika.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad kooban ka jeediyey xaflada sagootinta ee loo qabtay Ciidamada Seirra Leone wuxuuna sheegay in la waayey ciidamadii lagu badali lahaa ciidanka Seirra Leone ka dib markii dalkaas uu ka dilaacay cudurka Ebola.

no images were found

Ciidamada Seirra leone ee ku sugnaa gobalka J/hoose ayaa gaarayey ilaa 850 askari waxaana ay ka howlgali jireen magaalada Kismaayo waxaana haatan lagu badalay ciidamo ka socda dalalka Itoobiya iyo Kenya .

Madaxweynaha DFS  ayaa waxaa uu sidoo kale la saxiixday heshiis Madaxweynaha Maamulka KMG ee Juba waxaana lagu badalay magacii KMG ee Juba Maamul Gobaladeedka J/land.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online