Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee gobolka Mudug oo qarax ku dhaawacmay (Dhageyso)

December 21, 2014 - Written by Editor

farxaan_xaadGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmay qarax saaka ka dhacay magaalada Gaalkacayo kaas oo lagula beegsaday gaari uu watey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa miino dhulka loogu aasay gaarigii ii watay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi wuxuuna qaraxa ku dhaawacmay gudoomiye ku xigeenka iyo mid ka mid ah ilaaladiisa waxaana la dhigay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya xaalada caafimaad ee guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi balse taliyaha ciidanka Booliska Cabdullaahi Shire Nuur dool ayaa sheegay in uu guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug uu gaaray dhaawac fudud xaaladiisana ay wanaagsan tahay.

farxaanWaa markii labaad ee Farxaan Cali Xirsi uu isku day dil ka badbaado waxaa sidoo kale uu ka badbaaday qarax miino oo lala eegtay gaarigiisa 8 Novembar sanadkii 2011.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa howlgalo laga sameeyey waxaa la qabtay dhalinyaro dhowr ah oo ka tirsanaa kooxaha aminaayka al shabaab waxaana wili ka howlgala kooxo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas ku dhuumaaleysta Koonfurta magaalada Gaalkacyo .

Hoos ka Dhageyso Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug oo warbaahinta la hadlay

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/em41f4bc1d/xaad.mp3]
M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online