Gudigii Nabadeynta Beelaha Maxamed Garaad iyo Cabdi Garaad oo ka warbixiyey wajigii hore ee Nabadeynta.[Daawo Video]

December 19, 2014 - Written by Editor

IMG_3595 [Max Width 1024 Max Height 768]Laascaanood:-Gudigii Culimaa’udiinka iyo Odayaasha ee nabadaynta ee dhaqan ee Gobolka Sool ayaa maanta siiyey Saxaafadda warbixin ay kaga xog waramayaan dedaaladii Nabadeed iyo wixii u qabsoomey 3-dii maalmood ee ay dhex wadeen daminta Colaada 2-da beelood ee Maxamed Garaad (Bahrarsame iyo Cabdi Garaad (Qayaad) ee ku dhaqan Deegaamada Saaxdheer iyo Domco , Tabataag , Dharkayn iwm.

Gudoomiyaha Gudiga Nabadaynta iyo Dhexdhexaadinta Sh Axmed Maxamed Sulaymanaa ahna Madaxa Dacwada Xafiiska Dacwada guud ee Gobolka Sool ayaa ka waramay Saddexdii Casho ee ay ku jireen in la demiyo Colaada .

‘Waxaanu ahayn Gudi ka kooban Odayaal , iyo Culimo waawayn , Laaascaanood waxaanu ka ambabaxney Maalinimidii 16-ka Bishaan oo ku beegneyd maalin Talaado ah , Waxaanu Tegney deegaano ay ka mid yihiin Dhumey , Dabataag , Dhrakeyn , Gobdheer, Saaxdheer, Waxaanu la kulanay Waxgaradka 2-da beelood ,waxaanu ku guuleysanay inaanu damino Colaadii , Sidoo kale waxaanu siinye Wacdi iyo Waano Alle ka cabsi , in ay Halkaa lagu Damiyo Colaada iyo Ismaandhaafka ‘ ayuu Yidhi Sh Axmed.”

Sh Axmed Maxamed Sulaymaa oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” Waxaanu soo marney ilaa Todobo Deegaan waxaanu ku soo wada ballanay in ballanku noqdo in Maalinimada 25 Ka Bishaan Siddii Horey La isku ogaa la isku yimaado Gogoshii uu Fidiyey Garaadka guud ee Beelwaynta Dhulbahante ayuu Ku Soo gabagabeeye Sh Axmed Maxamed Sulaymaan.

Ugu danbayntii waxaa lagu wadaa in maalinimada 25-ka bishan la wada fadhiiisyo waxgarad kii ay soo Xusheen 2-da Beelood ee Maxamed Garaad iyo Cabdi Garaad Iyadoo ay Goob joog ahaan doonaan Waxgaradka iyo culimo’udina ugu waayo aragsan Bulshada.

Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee uu qabtay Gudoomiyaha Gudiga Nabadaynta iyo dhex dhexaadinta Sh Axmed Maxamed Sulaymanaa

Mawliid Isma Hradigeed
Lascaanood,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online