Habeenkii 3aad Nadwo diini ah oo ka socota Masjidka Al-hudaa ee Garoowe [Dhageyso Live]

December 17, 2014 - Written by Editor

nadwoGaroowe:-Nadwo clmiyeed diini ah oo ka socota Masjidka weyn ee Al-hudaa ee Garoowe ayaa waxaa ay gashay caawa habeenkeedii 3aad, Nadwo cilmiyeedkaan diiniga ah ayaa ah nadwadii 7aad ee lagu qabto Masjidka Al-hudaa ee Garoowe.Nadwo Cilmiyeedkaan diiniga ah ee ka socota magaalada Garoowe ayaa waxaa ay socon doonta haddii alle idmo 23 ilaa 27 Safar 1436 00 waafaqsan 15 ilaa 20 December 2014.waxaan cinwaankeeda uu yahay sanadkan مشكلات أسرية وظواهراجتماعية مع حلول مناسبة

Nadwo Cilmiyeedka 7aad ee lagu qabanayo Masjidka Al-hudaa ayaa waxaa ka soo qeyb galaya culumada kala ah:-

1- Sheekh C/naasir Xaaji Axmed

2- Sheekh Maxamed Cumar Dirir

3- Sheekh Maxamuud Xaji Yuusuf

4-Sheekh Daahir Aw Cabdi

5-Sheekh Axmed Daahir Xasan Xusen

6-Sheekh Axmed Cabdisamed Abdille

7- Sheekh Fu,aad Maxamuud Xaji nuur

8- Sheekh C/risaaq Mire Jaata

9-Sheekh Maxamed Axmed Faarax Dabiix

10-Sheekh Maxamed Cumar Axmed

Nadwada 7aad ee ka socota caawa Masjidka Al-hudaa ee Garoowe ayaa waxaa si live ah u tabinaya Inshalaah Radio Halgan iyo Radio Xikma oo in ka badan 13 xarumood ku leh deegaanada Puntland. Nadwo cilimyeedkaan diiniga ah ee 7aad ayaa waxaa ay bilaabanaysaa saacaddu marka ay tahay waqtiga Soomaaliya 18:10 ka galabnimo ama lixda Makhribnimo  iyo 10 daqiiqo oo ku beegan waqtiga Yurub 16:10 galabnimo marka laga reebo dalka Ingriiska waxay u tahay 15:10 galabnimo ka faa’iidaysi wacan.

Hadii aad doonaysid in aad kala socoto Mobilkaaga Nadwo cilmiyeedka diiniga ah ee ka bilaabanaysa caawa Masjidka Al-hudaa e Garoowe ama adigoo jooga gurigaaga ama shaqadaada waxaad si live ah uga dhageysan karaan Radio Halgan iyo idaacada Islaamiga ee Xikma oo xarumo kala duwan ku leh deegaanada Puntlan. Waxaa muxaadaraadka ka baxaya Nadwada si dhib yar aad uga dhageysan doontaa Telfankaaga gacanta waxaad kaliya oo aad u baahan tahay oo kaliya in aan soo gishato Telfankaaga barnaamijka Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qor Radio Halgan Live .

Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan Akhristayaasha Halgan.net in Radio Halgan Live ay si sahlan ugu shuban karaan telkooda gacanta iyaga oo ka soo gishan kara Google Play hadii uu yahay telfanka aad heysato nooca Android hadii aad heysato Apple waxaad ka soo gishataa App Store .waxaad ku qoreysaa (Radio Halgan Live) waa free wax lacag ah .

Radio Halgan Live waa Idaacad Islaami ah uu soo tabin doonta Inshalaah Duruusta iyo Nadwooyinka Culumada waxaana ay bahwadaag ku yihiin faafinta Dacwada Radiyaasha Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland iyo Radio Al-Nuur oo ka howlgala magaalada Muqdisho lagana dhageysto gobalada Koonfureed.

Muxaadarada Caawa waxaa jeedinaya Sh Xasan Ibraahim Abu Xasaan XafidahulaahHoos ka Dhagayso si live ah Radio Halgan iyo Idaacadda Radio Al-xikma ee Garoowe

ama Halkaan ka Dhagayso

Halkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.

Idaacadda Al-xikmaha iyo Radio Halgan Live
Garoowe, Nuur Jaamac Aden

 

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online