Kulamada soo dhawaynta qurbajoogta miyay dhiirigalinaysaa tahriibta dhalinyarada,.??W/Q C/wahaab Salaad Xasan.

December 20, 2014 - Written by Editor

maqaalQormadaan waxaa igu dhaliyay markaan aad u arkay kulamo soo dhaawyn oo loosamaynayo qurbajoog kusoo noqotay wadanka.Kuwo siyaasiyiin sheganaya,kuwo shacabka kamid ah iyo wadado ahba,…intuba way iskugu jiraan qurbajoogta lagusoo dhawaynayo xafladaha,.Waxaa laga soo siidaayaa ama lagusoo qoraa tv,yada, jaraa,idada,iyo barta internetka oo aad ubadan,..taasi waxay muujisay inay dhalinyarada joogta wadanka ee shaqada aan haysan,ama waxbarshadii dhameyay ay u arkaan nimankaan malinwalba loo samaynayo xafladaha kala duwan iyo soo dhawaynta inay ku dhaaamaan oo kaliya inay kayimadeen dibadda,…

Fikirka ay ku dhaqaaqayaan dhalinta ee tahriibtaa halkaan qayb buu kayahay inay ku fikiraan inay katagaan wadanka kadibna ay kusoo noqdaan aygoo qurbo joog ah,……

Waxay indhohoodu qabanayaan tv,yadana ay kadaawanayaan qof ka aqoon yar kana diin liita oo jagadii wadanka si sahlan uqaadanaya,sodhaweyn uusan mudnayna lasiinayo.loona muujinayo inuu yahay qofkii wadnaka ugu fiicnaa…

Hadaba anigu waxaan u arkaa inay qayb katahay xafladahaan loo qabanyo dadka qurbajoogta ah Inay dhalinyardu tahriibaan inay ku dhiirigalinayso,..sababtii ladoono halagumagacaabo,kuwo karaba tageero dhaqaale,kuwo karaba tageero qabiil,kuwo karaba tageero dibudhis iyo kuwo karaba tageerida xisbigiisa siyaasigaa siduu kugaari lahaa jagada madaxweynaha gobolkaas uu joogo.,…….

1-Waxaan arkaa in layareeyo xafladahaan isdabajoogaa ee laguqabanyo wadanka qaybhiisa kala duwan ee lagu magacabayo kulakii qurbajoogta ay layesheen ……….siyasiyiin,deegaan,ama maamulka magaladaasi,..

2-in aan laga soo siidayn tv,yada laguna soo qorin websaadyada shirarka noocaan ah oo lagu magacabayo kulamada ama soo dhawaynta qurbajoogta hadiiba ay dhacdo in lasameyo,…

3-in dhalinyarada waxbaratay ee jamacadaha dalka kabaxday lasiiyo xaqooda ay ku leyihiin wadanka ,oo laga qaybgaliyo maamuladda kajira wadanka ayna xaq uyeshaan jagooyinka ugusareeya mamuladda,.

4-in laga horaysiiyo awlawiyaadkana lasiiyo dhalinyarada joogta wadanka marka loo eegayo kuwa qurbaha kaimaanya…

5-in ay kamuuqadaan tv,yada iyo meelaha lagu shirayo rag dhalinyaro ah oo wadanka wax kubartay aana ahayn qurbo jog,kuwaasoo ah agasimayaal,mamulayaal,taliyayaal,iyo jagooyin ay dhaliyaradu ku faani karaan sawirfiicana noqonkara,…in lasiyo ardayda jago saraakiilnimo si ay ubadbaadiyaan dhalinta.

Hadii arimahaasi aan mamuladu waxbo kaqaban waxaa hubaal ah in ay dhalinyardu soo wada tahriibayaan kadibna xoogood,caqligoodii iyo malkoodiiba uu baylah ku noqonayo saxaraha iyo badda halkaasna aanu kuwaynayno jiilkii nabada ilaalin lahaa.

W/Q Cabdiwahab Salad hassan
abdiwahab2010@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online